4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Guddoomiyaha Golaha Talada Ahlusunna oo sheegay inaysan Dagaal ku jirin


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Talada ee ururka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa sheegay inaysan jirin ciidammo Ahlusunna ka tirsan oo dagaalladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuuso-mareeb ku lug lahayd.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan oo isagoo ku sugan deegaanka Xeraale la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inay ku baaqayaan in dagaalladaas la joojiyo, isagoo intaas ku daray in ciidamadooda inta uu ka og-yahay aysan jirin cid dagaalladaas ku jirta.

“Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in gobolka Galguduud ay dagaallo ku dhexmarayaan dowladda iyo Ahlusunna, marka waxaan rabnaa inaan sheego in dagaalladaas aysan Ahlusunna wax lug ah ku lahayn, mana go’aansan, cid ku maralaysana ma jirto,” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale, Sheekh Cumar ayaa xusay in Ahlusunna inay dagaal kula jirtay Al-shabaab, cid kale oo ay dagaal kula jirtana aysan jirin, isgaoo xusay inuu dagaalkan yahay mid salka ku haya damac shaqsiyeed.

DHAGEYSO: Hadalka Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan

“Dagaalkaan dhacay waa mid dagaal damac ku dhisan, dad Ahlusunna ka mid ahba ha ku jireen, balse cid oo wata waan cambaareynaynaa, waana ka xunnahay, waxaana ku baaqaynaa in wax dambe oo dagaal ah aysan dhicin oo xabbbada la joojiyo,” ayuu guddoomiyaha talada Ahlusunna hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in Ahlusunna ciidankeedu ay ku sugan yihiin barahoodii wax dagaal ahna aysan ku jirin, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Ahlusunna ee Xeraale ku sugan iyo kuwa Caabudwaaq ku sugan, kuwaasoo uu xusay inay barahoodii ku sugan yihiin oo aysan wax dagaal ah ku jirin.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid shaqsiyaad gaar ah u dhexeeya ayna dhankooda Ahlusunna ahaan aad uga xun yihiin wixii ka dhacay degmooyinka Guriceel iyo Dhuuso-mareeb.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladii shalay iyo maanta ka dhacay degmooyinka Guriceel iyo Dhuuso-mareeb oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa la sheegayaa inay u dhexeeyeen ciidammo dowladda Soomaaliya taageersan iyo kuwo Ahlusunna taageersan, waxaana ku dhintay in ku dhow 10-qof oo shacab ay ku jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya