4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Goodax oo ku baaqay in la Joojiyo Colaadaha ka Taagan Gobolka Gal-guduud


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ee xilka sii haya, C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo colaadaha kasoo cusboonaaday gobolka Gal-gaduud ee bartamaha  Somalia, kuwaasoo shalay iyo maanta ka dhacay degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guri-ceel.

Dagaalladan oo u dhaxeeyay ciidammo kala taabacsan dowladda Somalia iyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa la sheegay inay ka dhasheen muran la xiriira dhinaca maamulka, iyadoo muranka arrintan uu mudooyinkii dambe ka taagnaa deegaannadaas.

“Waxaan baaq-nabadeed u u dirayaa dhinacyada gobollada dhexe dagaalku ku dhex-marayo, waxaana leeyahay joojiya dagaalka, waayo Somali way ka daashay colaad, waana nasiib-darro in maanta ay colaad cusub ka billaabato gobolka Galgaduud,” ayuu yiri C/llaahi Goodax.

Sidoo kale, sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin diyaarinta howlihii maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia, isagoo xusay inay meel wanaagsan marayso howsha maamulka loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug.

“Ma aqbali karno maanta colaad cusub oo billow ah, dadka walaalaha ah ee maanta colaaddu ku dhexmartay gobollada dhexe waxaan ka codsanaynaa inay joojiyaan colaadda iyagoo eegaya duruufaha taagan,” ayuu Goodax ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Goodax wuxuu odayaasha iyo waxgaradka deegaannadaas ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay u kala dhex-geli lahaayeen dhinacyada ay u dhexeyso colaadda, isla markaana ay kala tashadaan maamullada jira sidii loo joojin lahaa colaadda.

Si kastaba ha ahaateen, dagaalladan ayaa noqonaya kuwo cusub oo gobolka Galguduud ka billowday, iyadoo wararku ay sheegayaan in dagaalladan ay ku naf-waayeen in ku dhow 10-qof oo shacab iyo dhinacyadii dagaalamay isugu jira, halka ay tiro intaas ka bandanna ku dhaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya