4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Ururka Isu-tagga Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota oo xusay Aasaaskiisii


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Ururka Isu-taga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minneota CSCM ayaa xusay sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii uu adeeg-giisa billaabay sannadkii 1994-kii markaas oo ahayd markii ugu horreysay ee Soomaalidu degto Minnesota.

Xuska ururkan oo ay goobjoog ka ahaayeen dad badan ayaa looga hadlay waxyabihii uu Soomaalida Minnesota u qabtay ururkan kuwaasoo laga xusay inuu shaqo geeyo dadka ku cusub gobolka, waxbarashada, baraajinta caafimaadka, caddeymaha waraaqaha dadka is-dhalay, caddeynta qofka inuu Soomaali yahay, arrimaha dhallinyarada iyo xoojinta Isboortiga dhallinyarada Soomaalida ah ee Minnesota.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Xuseen Fariid oo ka mid ah aasaasayashii ururkan, isagoo sheegay inay keentay baahi loo qabay uuna soo maray ururku marxalado intuu jiray oo 20-sano ah, kaasoo ahaa sida uu xusay xafiiskii ugu horreeyay ee u shaqeeya dadweyne Soomaaliyeed oo u baahnaa xilligaas cid wax u qabata; iyagoo ka minaayay gobolladii dib u dejinta loo geeyay markii Mareykanka la keenay.

Sidoo kale, Raaxo Warsame oo ka mida guddiga maamula ururkaan ayaa u mahad-celisay dadkii gacanta siiyay ururka CSCM, sida dhallinyaradii habka iskaa-wax-u-qabsada ah ku shaqeynayay iyo hawl-wadeennada ururka, iyadoo xustay inay ka mid ahayd xubnihii muddada 16-ka sano ahayd wax qabadkoodu uusan ku ekeyn waxyaabaha iyaga loo qoondeeyay, balse ku dadaalay inay qabtaan shaqooyin dheerad u ah sida la-talinta iyo inay u turjumaan dadka cusub,

Raaxo waxay ka warbixisay waxyabahii ugu dambeeyay ee uu xafiiskoodu u qabtay Soomaalida waxayna xustay inay ka mid yihiin u dagaalanka inaysan xawilaaduhu xirmin, welina ay u taagan yihiin ka jibbo-keenidda arrintaas.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka Maxamud Nuur ayaa abaalmarino guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqsiyaadkii sida aadka ah ula shaqeeyay CSCM muddadii uu jiray iyo kuwo si guud wax ugu qabtay horumarinta Jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota; waxaana dadkii abaalmarinnadaas la guuddoonsiiyay ka mid ahaa; Cabdirisaaq Biixi, Inj. Jabriil Afyare, C/raxmaan Kaahin, C/baasid Abdul, Salma oo arrimaha dhallinyarada aad uga shaqaysa, masjidka Darul-Hijra, masjidka Imaam Shaafici, ururka waaliddiinta carruurta Autism-ka iyo xubno ka tirsan maamulka iskuullada ay dhallinyarada Soomaaliyeed wax ka bartaan.

Sheekh C/salaam Shariif ayaa isna ka sheekeeyay aasaaska ururkan oo ku beegnaa xilli uu wali qoyan yahay dagaalkii sokeeye ee dalkeena ka socday; waxuuna sheegay inay ahayd mid  aad u adag in xilligaa dad Soomaaliyeed ay wax ku midoobaan; laakiin ururkan uu lagu midoobay, iyadoo ay hoggaan u ahaayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed, waxqabadka ururkaana cid walba way ka dheregsan tahay.

Ugu dambeyn, waxaa goobta lagu daawaday filim ka sheekeynaya taariikhdii & waxqabad ururkaa CSCM muddadii uu jiray ee 20-ka sano ahayd, iyadoo filimka ay ka muuqdeen saddexdii guddoomiye ee ururka soo mara oo kala ahaa; Cali Saciid (Cali Nac-nac), Dr. Saciid Faahiye iyo sidoo kale guddoomiyaha hadda ee ururka, Maxamuud Nuur.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA