4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Hay’adda Bisha Cas Turkiga oo Qalab Deeq ah Gaarsiisay Degmada Ceelbuur


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku wareejiyay maanta saraakiisha ciidamada AMISOM ee [Aag Afaraad] agab loogu talagalay in dib u dayactir loogu sameeyo ceelbiyood ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ay ku deeqday hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Xasan Maxamed Ibraahim [Xasan Kaafi] oo war-baahinta la hadllay ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ku wareejiyeen agab loo isticmaali doono ceelbiyood ku yaala degmada Ceelbuur, isaga oo intaa ku daray in qalabkan oo ay  ku deeqday hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo ay horay codsi ugu direen.

“Ceel-biyoodkii kaliya ee ku yaalay Ceelbuur Al-shabaab ayaa bur-buriyay, markii ay kasii baxaysay degmada waxayna horay u sii qaateen matoorkii ceelka, siddoo kalana waxaa ay furteen dhamaan wixii qalab ahaa ee ku xirnaa taasoo keentay in dadka degmada ay ku noolaan-waayaan halkaa biyo la’aan awgeed, annaga oo taa fiirineyna ayeeynu codsi u gudbinay mas’uuliyiinta hay’adda Bisha Cas Turkiga, jawaabtii codsigana waad arkeysaa oo maanta waxeynu wareejinay qeyb ka mid ah qalabkii oo halkan [Beledweyne] la soo gaarsiiyay,” ayuu yiri  afhayeenka maamulka gobolka.

Xasan Kaafi ayaa siweyn ugu mahad celiyay haya’dda Bisha Cas Turkiga iyo cid kasta oo gacan ka geystay dib u kicinta ceelbiyoodkii degmada Ceelbuur.

Biyaha ayaa ah qeyb wayn oo ka mid ah nolasha, waxaana hubaal ah in meel  aan biyo la’aheyn ay adag tahay in ay ku noolaadaan dad iyo duunyo intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya