4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Bangiga Adduunka oo Maamulka P/Land ka taageeraya qalabeynta xafiisyada


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Faatax oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in uu kalumo kala duwan la soo qaatay madax ka socota Bangiga adduunka.

Waxaa wasiirka uu sheegay in sanadka cusub Soomaaliya laga hirgalin doono mashaariic fara badan oo uu fulinayo Bangiga adduunka ,isaga oo tilmaamay in masuuliyintii uu la shiray ay arintan ka wada hadleen.

Bangiga adduunka ayaa  u ballan qaaday maamulka Puntland arimo ay kamid yihiin qalabaynta xafiisyada dowladda iyo kaabidda mushaaraadka la siinayo shaqaalaha rayidka ah sida uu sheegay wasiirka.

“Safar waxaan ku tagnay Nairobi ,waxaanu la soo shirnay Bangiga adduunka runtiina mashaariic badan ayey u soo wadaan Puntland” ayuu yiri Cali Faatax Axmed  oo xusay in sanadka cusub ee 2015-ka mashaariicdan si rasmi ah xarigga looga jari doono.

Ugu danbayn, wasiirka ayaa tilmaamay in isaga iyo xubno kale oo tirsan golaha wasiirada Puntland ay shirar kala duwan la soo  qaateen qaar kamid ah hay’adaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]