4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Khabiirka QM ee Xuquuqul Aadanaha Somalia oo Booqasho ku yimid Somalia

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Khabiirka madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Bahame Nyanduga ayaa soo gabagabeeyay maanta safarkiisii shaqo ee ugu horreeyay ee uu ku yimid Soomaaliya.

Golaha Xuquuqda Aadanaha QM ayaa Bahame Nyanduga magacaabay inuu ku taageero dowladda federaalka Soomaaliya horumarinta iyo farsamada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha. 

Intii uu booqashada ku joogay Soomaaliya ayuu khabiirka madaxa-bannaan dowladda Somalia ku amaanay meel-marinta qorshaha la-dagaallanka xad-gudubka galmada. Wuxuuna sidoo kale ku bogaadiyay dowladda horumarka tartiib-tartiibka ah ee ay ka gaartay siyaasadda iyo amniga, hanaanka socda ee lagu dhisayo maamul-goboleedyada federalka iyo tallaabooyinka ay ku xasilinayso goobihii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab. Kuwaasoo uu ku sheegay tallaabooyin muhiim u ah gaarista aragtida 2016-ka.

Sidoo kale, Nyanduga ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha hortaagan in la horumariyo lana xoojiyo hay’adaha garsoorka dalka, caqabadahaas oo kaalin ka qaatay inay maxkamadaha milatariga ay maxkamadeeyaan dad rayid ah. Isagoo ugu baaqay dowladda inay kasoo baxdo ballan-qaadkeedii ahaa inay hakiso adeegsiga ciqaabta toogashada, taasoo qayb ka ah hanaanka dib-u-eegista xilliyeysan ee caalamiga ah.

Khabiirka ayaa sidoo kale dowladda Somalia ku boorriyay inay ku dhaqaaqdo wada-tashiyo deg-deg ah oo lala sameeyo dadka arrintu khuseyso, taasoo looga dan-leeyahay diyaarinta iyo soo gudbinta warbixinta bisha Oktoobar 2015-ka, si loogu diyaar-garoobo dib-u-eegista xilliyeysan ee caalamiga ah marka la gaaro sannadka 2016-ka.    

“Dowladda federaalka Somalia iyadoo kaashanaysa beesha caalamka, waxay u baahan tahay in loo qoondeeyo dhaqaale ku filan xoojinta hay’adaha u xil-saaran sarreynta sharciga iyo in la xaqiijiyo in maamul-goboleedyada KMG-ka ah ay ka faa’iideystaan heshiiska Hiigsiga Cusub ee Somalia. Sidoo kale dowladdu waa inay ansixisaa sharciyada caalmiga ah ee xuquuqul insaanka oo ay ka mid yihiin; heshiiska Xuquuqda Caruurta iyo xeerkiisa ku saabsan carruurta qaybta ka ah dagaallada hubeysan iyo heshiiska lagu ciribtirayo noocyada takooridda ka-dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Nyanduga.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Maamullada dalka ka jira waxaan ugu baaqayaa inay xaqiijiyaan in warbaahinta ay hesho xaqa ay u leeyhiin xorriyadda hadalka iyo sidoo kale in la xaqiijiyo amaanka war-fidiyeennada; isla markaana waxaa warbaahinta waxaa laga doonayaa inay wararkooda u tebiyaan si xirfadeysan oo mas’uuliyadi ku dheehan tahay.”

Khabiirka madaxa-bannaan wuxuu sidoo kale ku boorriyay dowladda inay xaqiijiso mabaadi’da iyo hal-beegyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin hindise sharciyeedka warbaahinta iyo midka ka-hortagga argagixisada. Wuxuuna ku baaqay in si deg-deg ah loo gudbiyo hindise sharciyeedka lagu sameeynayo hay’adda Qaran ee xuquuqda aadanaha. 

Bahame Nyanduga ayaa booqday sideeddii maalmood ee booqashada uu ku joogay Soomaaliya magaalooyinka kala ah; Muqdisho, Kismaayo, Garoowe iyo Hargeysa. Wuxuuna wadahadallo la yeeshay wasiirradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee dowladda Soomaaliya, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu iyagana kulammo la yeeshay hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Suldaan C/qaadir Axmed Luga-dheere iyo wasiirrada maamulka Jubba, madaxweynaha Puntland, wasiirro iyo madax ka tirsan Somaliland.

Ugu dambeyn, khabiirka ayaa shirar la qaatay danjire Nicholas Kay, ergeyga madax ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo weliba hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee Soomaaliya iyo warbaahinta.

Mudane Nyanduga ayaa xusay inuu ku talo-jiro inuu booqasho labaad ku yimaado Soomaaliya ka hor inta uusan warbixintiisa u gudbin golaha dhanka Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mudoobay bisha September 2015-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya