4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
WARBIXIN: Xaaladda degmada Dhuuso-Mareeb oo deggen iyo xiisado taagan

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Xaaladda magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa deggen xilligan, kaddib dagaallo saakay ka dhacay, inkastoo laga dareemayo weli xiisado u dhexeeya dhincyadii ay dagaalladu dhexmareen.

Dagaalladan oo la sheegay inay u dhexeeyaan ciidammo dowladda Somalia taabacsan iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca ayaa haddana waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb C/raxmaan Geedo-qorow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo koox hubeysan oo uu ku tilmaamay fowdo-wadayaal iyo ciidamada dowladda iyo Ahlusunna oo is-kaashanaya, iyaguna ay degmadaas ay haatan si buuxda gacanta ku hayaan.

“Dowladda iyo Ahlusunna dagaalku uma dhexeeyo, wuxuuse u dhexeeya niman wareersan dhallinyaro ah oo shalay dagaal ka bilaabay degmada Guri-ceel iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Ahlusunna, raggaasna waa la kala eryay. Ciidanka dowladda ee halkan jooga iyo kuwa Ahlusunna waa isku hal ciidan, dowlad iyo Ahlusunna dirirsanna ma jirto,” ayuu yiri Geedo-qorow.

Sidoo kale, guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ee gobolka Gal-guduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlin cidda dagaalku uu u dhexeeyo, wuxuuse sheegay in degmada Dhuuso-mareeb ay ciidamada dowladdu gacanta ku hayso, xaaladeeduna deggen tahay.

"Dagaalku ma ahan mid u dhexeeya Ahlusunna iyo dowladda, balse kooxo hubeysan iyo ciidamada dowladda ayaa dagaalamay, xaaladduna waa deggen tahay; innaga ayaana ku haynta gacanta degmada Dhuuso-mareeb. Dhankeenna hal askari ayaa nooga dhintay," ayuu yiri Xuseen Cirfo.

C/nuur Maxamed Xuseen oo ah sarkaal ka tirsan Ahlusunna oo sheegay inuu ku sugan yahay degmada Dhuuso-mareeb ayaa BBC-da u sheegay in saaka lasoo weeraray xarumo ay degmada ku leeyihiin, haatanna ay qaybo ka mid ah degmadaas ku sugan yihiin.

“Koox burcadbadeed ah oo kaashanaysa ciidamada dowladda ayaa saakay soo weeraray baro ay magaalada kaga sugnaayeen ciidamada Ahlusunna, haatanna qaybo ka mid ah magaalada ayaanu weli gacanta ku haynaa,” ayuu yiri C/nuur Maxamed Xuseen.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray inay isku diyaarinayaan sidii ay degmada uga saari lahaayeen kooxo uu sheegay inay kusoo duuleen, isagoo dowladda ugu baaqay inay faraha kala baxdo dagaalka ka socda Dhuuso-mareeb isla markaana aysan garab-siin koox uu ku sheegay dambiilayaal oo ay dagaal kula jiraan.

Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan degmada Dhuuso-mareeb ayaa iyana warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay tahay mid kacsan, magaalada la kala qabsaday, waxayna sheegeen in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin inta badan magaalada Dhuuso-mareeb.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladii saakay ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, balse wararka la helayo qaarkood ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac iyo dadka shacabka ah soo gaartay.

Xaaladda degmada Guriceel oo uu shalay dagaal ka dhacay ayaa maanta deggen, iyadoo aysan jirin wax xiisado ah oo ka jira, waxaana dagaalkii ka dhashay shalay ku dhintay hal qof oo rayid ah, iyadoo ay toddobba kalena ku dhaawacmeen.

Magaalada Dhuuso-mareeb ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa labadii dhinac ee ay dagaalladu dhexmareen, iyadoo ay mar walba dhici karaan inay dagaallo dhexmaraan labadan dhinac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya