4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Haweenka Degmada Garbahaareey oo billaabay olole Nadaafadeed [Sawirro]

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Ururka haweenka degmada Garbahaareey ayaa maanta magaaladaasi ka bilaabay olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Ururka Haweenka ee Daryeel ayaa waxa ay ololaha nadaafadeed ka bilaabeen dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Garbahaareey, iyagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlahani nadaafadeed inta ay kasoo celinayaan bilicda deegaanka.

Gudoomiyaha ururka Haweenka degmada Garbahaareey Faadumo Aadan Wayrax oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid iskaa wax u qabso ah, islamarkaana aysan jirin cid gacan ku siineeysa.

“Haweenka iyaga ayaa is xilqaamay, qarashaadka gaadiidka ku baxaya iyo waxyaalaha kale ee lagama maarmaanka ah iyaga ayaa iska soo ururiyay, cid gacan ka siisay ma jirto,” ayay hadalkeeda raaciyay.

Gudoomiyaha haweenka Garbahaareey ayaa ka codsaday hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladda Soomaaliya iyo weliba maamulka degmada Garbahaareey in ay gacan ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa nadaafadda deegaanka.

Howlahani nadaafadeed ee ay haweenku ka bilaabeen magaalada Kismaayo ayaa imanaya xilli nadaafad darro baahsan ay ka jirtay degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya