4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Ardeyda dugsiyada Kismaayo oo u Fariistay Imtixaankii Sanadka (SAWIRRO)

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Ardeyda wax ka barata iskuulada kala duwan ee ku yaal degmada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta u fariistay imtixaanaadkii Termka 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2014 – 2015.

Ardeyda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2014-2015 ayaa aad uga badan ardeydii ka qeybgashay sanadii hore, waxaana maanta la arkayay ardey aad u badan oo isu diyaarineeysay in ay u fariistaan imtixaanaadkii ugu danbeeyay ee sanadka.

Gudoomiyaha dallada waxbarashada Jubooyinka ee JEN, Dr. Axmed Faarax Cali Awees oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta guud ahaan iskuullada ku yaal magaalada Kismaayo ay u fariisanayaan imtixaanaadka sanadka, isagoo xusay in xaaladda waxbarasho ee degmada Kismaayo ay aad u wanaagsantahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanaadka u fariisanayaan ardey gaareeysa ilaa 11875, ardey, isagoo xusay in imtixaanaadka ardeyda dugsiyada sare ay sanadkan qaadayaan xubno ka socday wasaaradda waxbarashada ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ka howlgala in ka badan 15 iskuul oo isugu jira dugsiyo hoose, dhexe iyo weliba dugsiyo sare.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya