4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Dagaallo dib uga billowday Degmada Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Gal-guduud


Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca ayaa dib uga qarxay degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyadoo la sheegay  in dagaalladu ay yihiin kuwo aad u xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay kaddib markii askar ka tirsan kuwa Ahlusunna ay rasaas ku billaabeen ciidamadii dowladda ee saaka gacan ku haynta degmadaas la wareegay, halkaasna uu ka qarxay dagaal weyn oo illaa hadda socda.

Suxufiyiin ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa sheegaya in dagaalku uu weli socdo, inkastoo aan la ogeyn khasaarha ka dhashay, iyagoo xusay in gabi ahaan degmada ay tahay mid xiran, sida ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Dagaalkan ayaa daba-scoda dagaal saakay ka qarxay gudaha degmadaas oo ay ciidamada dowladdu kula wareegeen baro ku yaalla Dhuusomareeb oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Ahlusunna Waljamaaca sida xerada 26-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo Koontaroolka Koonfureed ee magaalada.

Xoogagga Ahlusunna ee dagaalka billaabay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo gurmad ahaan uga yimid degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Ma jiro illaa hadda war kasoo baxay Ahlusunna iyo dowladda Somalia oo ku saabsan dagaalka ka socda xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb, iyadoo dagaalladan ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay ee dowladda iyo Ahlusunna dhexmara.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalladan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya