4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Maxkamada ICC oo joojisay baaritaankii dambiyadii Gobolka Darfur ee Sudan

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Maxkamada caalamiga ee ICC ayaa ku shaacisay inay joojisay baaritaannadii dambiyada dagaal ee Gobolka Darfur ka dhacay, kuwaasoo loo haystay Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil dowladdiisa ka tirsan.

Fatou Bensouda oo ah dacwad-oogaha maxkamadda ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay inay joojinayso baaritaanka dambiyadii ka dhacay Daarfuur, kaddib markii ay wayday gacantii ay QM uga baahnayd.

Sidoo kale, Bensouda ayaa sheegtay in 10-kii sano ee ugu dambeeyay aanay jirin cid dambiyada gobolkaas loo horkeenay maxkamadda, isla markaana aysan jirin tallaabo ay Qaramada Midoobay qaadday.

Maxkamadda ICC ayaa 2009-kii dacwad kusoo oogtay madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daafuur, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha Sudan iyo hoggaamiyahaha maleeshiyada Janjawiidka Cali Kushayb ayaa iyagana dacwado noocaas oo kale lagu soo oogay, balse ma jirto cid la qabtay.

Dhanka kale, maxkamadda ICC ayaa ku eedeysay dalalka Jabuuti, Kenya, Congo DR, Malawi iyo Jaad inay ku guuldareysteen inay gacan ka geystaan soo qabashada madaxweynaha dalka Suudaan, mar uu dalalkaas shirar u tagay, waxaana xeerka maxkamadda uu dhigayaa in dalalka ka midka ah ay soo xiraan shaqsi ay dacwad ka taallo Maxkamada ICC haddii uu dalalkooda tago.

Waddamadaas ayaana diiday inay soo xiraan madaxweyne Al-Bashiir, iyagoo u arkayay amarka maxkamada inuu ahaa mid aan sharci ahayn, maadaama maxkamada loo aas-aasay oo kaliya fikrado ka dhan ah dalalka Afrika.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii maxkamaddu ay dhawan ku dhawaaqday inay joojisay dacwadihii loo haystay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya