4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 13, 2014
Ciidanka Dowladda & Ahlusunna oo ku dagaalamay degmada Dhuuso-mareeb

Sabti, December 13, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca ayaa saakay ku dagaalamay gudaha degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda ay weereen dhowr goobood oo ay ku sugaayeen ciidamada Ahlusunna, taasoo keentay inay isaga baxaan degmadaas ciidamadii Ahlusunna ka amar-qaadanayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamad adowladda ay la wareegeen koontaroolkii Koonfureed ee degmada Dhuuso-mareeb iyo xeradii 26-aad ee ciidamada xoogga dalka.

Xoogagii Ahlusunna ayaa dibadda uga baxay degmada, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Cidamadii Ahlusunna ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Guriceel iyadoo aan la ogeyn tallaabada xigi doono dagaalkan oo ahaa mid kooban oo ay ku adkaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha kala soco wararka HOL haddii ALLE idmo

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya