4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Gudoomiyaha Wakiilada SL oo ka Qaybgalay Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland, C/raxmaan Cirro iyo  ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta dalka dib ugu sooo laabtay kaddib markii ay ka soo noqdeen Munaasibada Qowmiyaddaha Ethiopia oo ay kaga qayb galeen dalka Itoobiya.

Munaasabadda Qoomiyaddaha Oo Shirgudoonka Wakiiladu ka qayb galay markii 6-aad waxaa sanadkan lagu qabtay Gobolka Qowmiyadda Benishangul-Gumuz, xaruntiisa magaalada Assosa oo ku yaala Xudduudka Ethiopia iyo Suudaan. Waxaanay halkaasi kulamo gooni-gooni ah kula qaateen Shir gudoonku masuuliyiin Ethiopia ah iyo Diblamaasiyiin.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay inuu intii joogay xarunta Itoobiya kula la yeeshay gudoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya iyo madax kale oo Itoobiya iyo safaaradda Ingiriiska ku leedahay Addisba la kulmay.

“Waxaanu ka qayb galay Xafladdii weynayd oo Ra’isal wasaaruhuna joogay, Ra’isal wasaarahana Salaan sharaf uun baanu ku salaanay iyo masuuliyiintii kale ee goobta joogay, waxa kale oo jiray Masuuliyiin aanu kulamo gooni-gooni ah la qaadanay intii Xafladdaasi socotay iyo intii aanu Ethiopia joognayba, amma Diblamaasiyiin ha ahaadaan ama masuuliyiin wadamada kale ah ha noqdaane. Waxaa naloo soo dhaweeyay si heer sare ah oo heer dawladdeed ah, taasina waxay muujinaysaa sida Xidhiidhka labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Ethiopia u sii kordhayo” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

“Mas’uuliyiin aanu shirar gaar gaar ah la galnayna dee waa ay jirtay intii ay xafladaasi socotay iyo intii aanu Itoobiya joognay ama diblomaasiyiin ha noqdaan ama masuuliyiin kaleba ha noqdaane oo dalka Itoobiya iyo dalalka kaleba ah. Intii aanu munaasibada joognayna waxaa na soo dhaweeyey wasaarada arrimaha dibada iyo baarlamaankaba runtii waanu u mahad naqaynaa,soo dhaweyn wanaagsan oo mudan oo heer dawladeedna ah ayaa nalagu soo dhaweeyey”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in safaaradda Ingiriiska ee magaaladda Addis Ababa waxaanu sheegay inay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xilligeed u qabsoomi lahayd.

“Sida guddoomiyuhu sheegay waxaanu ka qayb-galay shirkaas, waxaanuna u mahad-celinaynaa Dawladda Ethiopia si fiican noo soo dhawaysay siiba Baarlamaanka oo nagu sharfay inaanu ka qayb galo Shirkaas, anagoo sanad walbana ka qayb gala oo tii horena Jig-jiga kaga qayb galay, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dalkayaga ku soo noqono”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa dhawr jeer oo hore ka qaybgallay qoomiyadaha dalka Itoobiya oo sanad walba lagu qabto gobol ka mid ah goboladda Itoobiya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland