4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Ururka Wariyeyaasha aan xuduudka lahayn RWB oo dhaliilay Puntland

Jimco, December 12, 2014 (HOL) —Ururka weriyeyaasha aan xuduudka lahayn ee Reporters Without Borders (RWB) ayaa walaac ka muujiyey xoriyatul qowlka warbaahinta Puntland.

War-saxaafadeed ururku soo saaray ayaa lagu cambaareeyey xayiraadda horraantii bishan December Dowladda  Puntland kusoo rogtey afar kamid ah shabakadaha Soomaalida ee wararka laga dalaacdo.

Shabakadahan oo laga xanibay khadka shirkadda isgaarsiinta Golis oo iyadu ah tan ugu weyn guud ahaan deegaanada Puntland waxay kala yihiin: Puntlandnow, Puntlandtoday, Galgalanews iyo Puntlander.

"hab-dhaqanka maamulka Puntland waa wax laga murugoodo  aadna looga xumaado" sidaas waxaa yiri Cléa Kahn-Sriber oo ah madaxa xafiiska RWB ee Afrika, wuxuuna intaas raaciyey " saraakiisha booliska Puntland dhowaan waxay sheegeen in weerarrada kooxda Al-shabaab u geysaneyo weriyeyaasha aan gacamaha laga laaban doonin...Puntland waa in iyada qudheedu bilowdo inay xushmeyso xoriyadda saxaafada"

Ururka weriyeyaasha aan xuduudka lahayn ayaa dhanka kale cambaareeyey hajabaad dhowaan taliska booliska ee gobolka Nugaal u geysteen weriye Cali Cabdi Ducaale oo ka tirsan Radio Garowe kadib markii uu baahiyey war ku saabsanaa dibadbax looga cabanayey cashuuraha gaadiidka oo Garowe ka dhacay.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu xusay in walaac soo food saarey bahda warbaahinta Puntland iyo weliba siyaasiyiinta mucaaradka kadib markii ay ka rajo dhigeen maamulka Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo la filayey inuu wax badan ka bedeli doono xoriyadda saxaafada iyo xoriyatul qawlka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya