4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Iska-horimaad Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusuna ku dhexmaray Guriceel

Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku dagaalamay gellinkii dambe ee maanta degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalkan oo aan la ogeyn khasaaraha uu sababay ayaa la sheegay inuu ka dhashay kaddib dagaalyahanno ka tirsan Ahlusunna ay jid-gooyo u dhigteen wafdi dowladda Soomaaliya ka socda oo waayahan ku sugnaa gobolka Gal-guduud.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu ku baahay qaybo ka mid ah degmadaas sida koontaroolka, dhinacyaduna ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Iska-horimaadku wuxuu ku billowday si kadis ah ku billowday, waxaana igu maqal ah inuu billowday kaddib markii wafdi dowladda ka tirsan jid-gooyo loo dhigtay, welina xabbadu way dhacaysaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Guriceel.

Goobjoogahan ayaa intaas ku daray inaanay jirin cid dadaal ugu jirta sidii loo joojin lahaa dagaalka, sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, balse xabbadu ay tahay mid si aad ah u dhacaysa.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee degmadaas ka taliya, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo degmada Guriceel ay ka dhacaan isku-dhacyo noocan oo kale ah.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda lama oga sababta keentay inay xoogagga Ahlusunna jid-gooyo u dhigtaan wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya oo waayahan wadday qorshe ay maamul mideysan ugu dhisayso gobollada Gal-guduud iyo Mudug.

Wixii kasoo kordha warka ku saabsan dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya