4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Kooxo hubeysan oo Toogasho ku dilay Askar Keenyaan laba qofna dhaawacay

Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Deegaanka Kilifi ee ka tirsan gobalka xeebta Kenya, ayaa rag hubeysan ay xalay toogasho ugu dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Kenya halka labo qof oo kalana ay ku dhaawaceen.

Saraakiisha dowladda hoose ee degaanka Kilifi, ayaa sheegay in xalay oo Jimco ay soo galeysay uu weerarkaas ka dhacay meel 55-km waqooyi-bari ka xigto magaalo xeebeedda Mombasa.

Guddoomiyaha Gobolka Kilifi, Albert Kobia, ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay hal askari isla markaasna lagu dhaawacay labo qof oo kale, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in koox uu ku tilmaamay Burcad ay rasaas ku fureen saldhig ciidamadu ay leeyihiin oo ku yaallo Kilifi.

Illaa iyo hada ma jiro cid sheegtay masuuliyada weerarkaas, laakiin weeraro horay oga dhacay deegaanadaas, ayaa dowlada Kenya waxey ku eedeysay iney ka dambeyeen kooxo xiriir la leh Ururka Al Shabaab ee ka dagaalo Somalia iyo waliba Dhaq-dhaqaaqa gooni isku magacaabay ee Golaha Jamhuuriga Mombasa ee magacooda loo soo gaabiyo (MRC ) Mombasa Republican Council.

Gobalka Kilifi wuxuu ka mid yahay deegaanada ku yaallo Xeebta Kenya oo ay hoos tagto magaalada Malindi oo inta badan ay tagi jireen dadka dalxiisayaal ah, balse weeraro iyo dagaalo ka dhacay deegaanadaas ayaa hoos u dhigay dadkii u tamasho tagi jiray.

Sidoo kale, weerarkan ayaa kusoo beegmay iyadoo dalka Kenya uu u dabaal-dagaayo 51-sano ka hor markii uu Xorriyadda ka qaatay xukunkii Ingiriiska ee Gumeysan jiray. wuxuuna weerarkaas noqonaayo kii ugu dambeyay weerarro taxane ahaa oo ka dhacay Kenya bilihii la soo dhaafay

Golaha Mucaaradka MRC oo dowlada Kenya ay mamnuucday ayaa iyaguna mar kasta ku adkeysanayo iney yihiin dhaq-dhaqaaq siyaasaded oo u ololeynaayo xorrnimo doonka dadka ku dhaqan xeebaha Bad-weynta Hindiya oo u badan kuwa Muslimiin ah.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya sannadkii 2011. Al Shabaab ayaa waxey ka fulisay gudaha Kenya weeraro is xig-xigay oo ay ku sheegeen iney ahaayeen aar-goosi.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya