4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Shariif Xasan oo Maanta booqashadii ugu horreysay ku tagay Degmada Xudur


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku tagay booqashadii ugu horreysya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ka mid ah gobollada hoos-imaanaya maamulkiisa.

Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xudur kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xudur iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

“Maamulkeygu wuxuu ku dadaalayaa sidii waddooyinka gobolka Bakool ku yaalla ee u xiran Xarakada Al-shabaab loo furi lahaa, si dadka ku nool ay u helaan cunnooyinka ganacsiga ah iyo kuwa gargaarka,” ayuu yiri Shariif Xasan oo hadal kooban warbaahinta siiyay markii uu tagay Xudur.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu uu garab ku siinayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya sidii ay uga saari lahaayeen Al-shabaab deegaannada gobolka ee ay weli ku harsan yihiin.

“Waxaan shacab ku nool degmada Bakool iyo degmooyinka kale ee gacanta Al-shabaab laga saaray in dhawaan lasoo gaarsiin doono gargaar ku filan,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Intaa kaddib Shariif Xasan ayaa kulammo la yeeshay saraakiisha ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadlay xaaladaha ammaanka iyo sidii waddooyinka loo furi lahaa.

Booqshada Shariif Xasan uu ku tagay degmada Xudur ayaa noqotaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago qayb ka mid ah goobaha maamulka uu madaxda ka yahay talinayo, isagoo horay u ballanqaaday in booqashadiisa ugu horreysa uu ku tegi doono gobolka Bakool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya