4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Daah-Furka Buug ka Hadlaya Taariikhda Cabdi Qeys oo Hargeysa lagu Qabtay


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Munaasabad balaadhan oo lagu daah-furayay buug laga qoray taariikhddii iyo Maansooyinkii Abwaanka Caanka ah ee Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), ayaa xalay lagu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xafladdan ayaa wax a ka soo qaybgalay Abwaano, Qorayaal, Fanaaniinm, siyaasiyiin iyo xisbiyadda siyaasadda, kuwaas oo si bal-balaadhan uga sheekeeyey taariikhddii Abwaan Cabdi Qays.

Qoraaga buugan Maxamed  Cismaan  Ugaaska, ayaa ka sharaxay maraaxilkii kala duwanaa ee usoo maray Buugan loo bixiyey Dalmar iyo Dalxiis, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ Cabdi Qays anigu waxaan u aqaanaa inuu yahay nin sheekha ah aad ku taqaaniin heesihiisa uu kaga sheekeeyo Qasaa’idka iyo Nabi Amaank,Halkan Maanta Kuma Soo Koobi Karo Taariikhda Buugan soo maray waxaase uu ka kooban yahay 340 Bayj, waxaana ku jira  100 Maanso Intii Ugu Wanaagsanayd”.

“Waxaa loo baahan-yahay intaynu Nool Nahay in aynu is Qiimayno Maalinta aynu dhimano Waxba Layskuma Ahee Cabdi Aadan Qays Buuga Ayaad ka dheehan Doontaa,waa reer Hargaysa cabdi iskamuu heesin Manuu Gabyin ee waxa uu ka hido Raacay ayaydii Shaqlan Hoobani,Cabdi iskuul Wakhti Badan Kumuu Lumin, wakhti ku Beegnaa 1964-Kii ayuu bilaabayaa Fanka sida uu sheegay Cabdilaahi Saleebaan Bide waxa uu ka mid yahay dadka Tirada Yar Ee laamaha Fanku ku kulmeen,Heesa Sameeya,Kamankana Tumta,Codkiisan ku qaada.”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo ka sheekeeyey taariikhddii Abwaanka.

Abwaan Maxamed Xujaale oo ka mida ah dadka ay sida weyn isku yaqaanaan Abwaan Cabdi Qays, ayaa ka sheekeeyey mid ka mida ah qisooyinkii cajiibka ah ee ku duugan Buugan Darmaan iyo Dalxiis taas oo uu Cabdi qays  ku matalayey sheeko jacayl ah oo dhex martay wiil iyo Gabadh isjeclaa oo wakhtigu kala fogeeyey ama ay duruufuhu ciileen.

Abwaan Maxamed Cabdilaahi Warsame (Hadraawi) Oo ay Wakhti Badan soo wada Qateen Cabdi Qaysa ayaa ka waramay Dabeecadaha Abwaanka Kaas oo ku sheegay Nin Qalbi wanaagsan, waxaanu tilmaamay taariikhdii xabsiyadda ay ku wada jiri jireen, isagoo Cabdi Qyas ka mid ahaa raggii uu xadhiga badnaa ee xukuumaddii Siyaad Bare muddo kala duwan aragtidiisa u xidhay.

“Caawa waxaan ku farax-sanahay in ay intan oo dad ahi caawa u soo shirtay waxaanay muujinaysaa inay tahay uun xaqa uu Cabdi Qays leeyahay in la siiyo,Mana Ah in ay Dadku Marka Ay dhintaan Taariikhdiisa Laga sheekeeyo Waar qof Walooba Maanta ayuu Xay yahay ee Waxaad u qaban Karto Siiya”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi iyo Musharax Madaxwayne ku xigeenka Ee Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in qofku inta uu nool yahay la sheego wax tarkiisa iyo waayihii noloshiisa uu soo maray.

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay qoraag buuggan qoray ayuu ku tilmaamay mid dhaxal ka reebay bulshadana u soo bandhigay maansooyin badan iyo tariikhda uu ku leeyahay Geeska Afrika.

Gabogabaddiina waxa hadalka soo afjaray wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, wasir ku xigeenka Warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga oo uu dhalay Fanaaniinkii weynaa ee Axmed Mooge Liibaan.

“Anigu waxaan ka soo jeedaa qoys fanka lagu yaqaano sidaa darteed Cabdi Qays waxa u igu xidhiidhiyaa Saaxiibtinimidii ka dhaxaysay isaga iyo Aabahay. Adeerkay Cabdi Qays waa Abwaan ka dhexeeya shacabka ku hadla afka Somaliga oo dhan balse aan ku ekayn Somaliland oo kaliya. Adeer waxaad igu ogtahay inaan ku xasuusan doonaa inta aan noolahay”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga C/kariim Axmed Mooge.

Si kastaba ha ahaatee, Abwaan Cabdi Qays ayaa ahaa abwaanka ugu xadhiga dheeraa ee abwaanadda Soomaalidda, taas oo inta badan lagu xidhi jiray maansooyinkiisa, waxaana madasha lagu soo bandhigay Gabaygiisa caanka ah ee Dalmaan iyo Dalxiis oo uu kaga hadlayo Dameer uu jeelka ku wada xidhnaayeen, kaas oo uu xaqa damiirka ugu doodayo, waxaanu maansadaasi noqotay mid uu abaalmarino caalami ah uu ku hello, isla markaana uu noqday abwaankii ugu horeeyey ee naflayda mayeedhaanka loo yaqaan xaqoodda u dooday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland