4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Baarlamanka dhallinyarada Somalia oo looga dhawaaqay Muqdisho (Sawirro)


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyay Muqdisho baarlamaan ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasoo 275 xildhibaan ka kooban oo 84 ka mid ah ay yihiin gabdho, kuwaasoo looga gol-leeyahay in gabdhuhu ay ugu yaraan 30% ka ahaadaan baarlamaankaan ay  dhallinyarada Soomaaliyeed leeyihiin, si loo dhiirri-geliyo kaalinta gabdhaha Soomaaliyeed ee siyaasada iyo horumarka dalka.

Kulanka baarlamaanka dhallinyarada oo intii muddo ah qaban-qaabadiisu socotay ayaa maanta kama dambeys ku qabsoomey hotel Gorgor, waxaana madasha soo xaadirtay 246 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka uu ka kooban yahay baarlamaanka. waxaana halkaa ka dhacday doorasho si weyn loogu tartamay guddoomiyenimada iyo ku xigeennadiisa.

Waxaa kulanka furtay, Xamdi Xaaji Cali oo ahayd xildhibaannada ugu da’da yareyd baarlamaankan, isla markaasina horay loogu doortay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ajandaha ayaa ahaa doorashada guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, taas oo markiiba la gudo galay. Waxaana doorashada xilka guddoomiyaha golaha isu soo taagay, Yoonis C/raxmaan Axmed, Maxamed Axmed Xaaji iyo Mahdi Abshir Cumar. Wareeggii koowaad ee doorashada oo ahayd mid ay xubnuhu u dhiibanayeen codkooda si qarsoodi ah; taasoo ahayd warqado sanadiiq la soo dhigay goobta lagu ridayay.

Guddigii doorashada oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno hore iyo marti-sharaf kale ayaa waxay ku dhawaaqeen natiijada oo noqotay Mahdi Abshir Cumar oo helay 105-cod, Yoonis C/raxmaan Axmed oo 99 cod isna helay iyo Maxamed Axmed Xaaji oo 37 cod helay. Maadaama musharixiinta uusan mid ka mid ah helin 139-kii cod ee ay guusha ku raaci lahayd wareegga hore. Iyadoo lagu qasbanaaday in wareegga labaad loo gudbo, waxaana isku soo haray labadii xubnood ee ugu cododka badnaa, kuwaasoo kala ahaa; Mahdi Abshir iyo Yoonis Cabdiraxmaan.

Gudiga doorashada ayaa go’aansaday in doorashada loo bedlo qaab gacan-taag ah, iyadoo xubnaha ay saf-saf ay u codeeyeen. Markii ay doorashada dhamaatay, ayuu Mahdi Abshir Cumar oo ka mid ahaa musharixiintii labada ahaa ee tartanku u dhexeeyay wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, isagoo sabab uga dhigey in hooyadiis ay kula talisay in uusan hawshaas gelin maadaamaa uu yahay wiilka keliya ee ay dhashay.

Intaa kaddib xilkii guddoomiyenimada baarlamaanka dhallinyarada waxaa si rasmi ah u noqday Yoonis C/raxmaan Maxamed, iyadoo Xamdi Xaaji Cali oo ahayd guddoomiyaha KMG ah ay xilka ku wareejisay. Wuxuuna Yoonis oo ah guddoomiyaha uu goobta ka ballan-qaaday inuu ku shaqeyn doono hufnaan iyo caddaalad, dhallinyaradana u horseedi doono mustaqbal fiican.

Prof. Shirwac oo ah guddoomiyaha ururarada bulshada rayidka Somalia ayaa bogaadiyay doorashada ka dhacday madasha, wuxuuna guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu yeesho dulqaad, isla markaasina ballan-been ah uusan ka qaadin xildhibaannada da’da yar.

Sidoo kale, Prof. Yaxye Cali Faarax oo ah guddoomiyaha jaamacadda SIU oo ka hadlay madasha ayaa isna uga mahadceliyay dhallinyaradan biseylka ay muujiyeen, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Abshir Bukhaari oo ahaa hal-abuurihii fikraddan ayaa isna aad ugu bogaadiyey xildhibaan-nada da’da yar in tani ay billow u tahay mas’uuliyada weyn ee hor-taalla; isagoo intaa ku daray inay u noqdaan dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed tusaale fiican oo ay ku daydaan.

Ugu dambeyn, Bukaahri aya sheegay in baarlamaanka dhallinyarada looga baahan yahay inay hadda kaddib ku tababaran doonaan ka doodista hindise sharciyeedyada baarlamaanka federaalka Soomaaliya hor-yaalla, iyagoo xor ka ah qabyaalad iyo saameyn siyaasadeed kaddibna ay u codeeyaan hindise sharciyeedyadaas.

Doorashada labada ku xigeen ayuu waqtigu ka dhamaaday, iyadoo la filayo xili kale inay qabtaan guddiga doorashada laguna wargelin doono xilliga la qaban doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya