4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2014
Saddex ka Tirsanaa Ciidamada Putland oo lagu dilay Qarax ka dhacay Galgala

Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen afar kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey qarax duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Galgala.

Qaraxu wuxuu ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland. Askarta dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Boosaaso.

Mas'uuliyiinta laamaha amniga Putland way ka gaabsadeen inay weerarkaas ka hadlaan, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyadda qaraxaas sheegatay.

Al-shabaab oo marar badan iyaga iyo ciidamada ammaanka Putland dagaallo khasaare  dhaliyey ku dhex mareen buuraleyda Golis ayaa horay u sheegatay mas'uuliyadda qaraxyo caynkan oo kale ahaa.

Weerarkani wuxuu noqonaya kii ugu horreeyey ee khasaare geysta ee  halkaas ka dhaca laga soo bilaabo markii ciidamada Putland bishii October ee lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegeen fariisimii ay ku lahayd tuulada Galgala iyo deegaanada hoos taga.

December 2, 2014 markaasoo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayaa booqdeen fariisimaha ciidamada ee Galgala, waxaa lagu soo duqeeyey rasaasta hoobiyaha inkastoo aysan wax khasaare ah geysan kuna dhacday meel xoogaa u jirta goobta wafdigu xilligaas ku sugnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya