4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Kenya oo Maanta u Dabaal-dagtay 51 Guuradii kasoo Wareegtay Xoriyadeeda


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Waddanka Kenya ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagaya Munaasabada 51 sano guuradii ka soo wareegtay markii xornimada ay ka qaadatay UK,  waxaana magaalada Nairobi lagu qabtay maanta xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday garoonka Kubada Cagta lagu ciyaaro ee Nyayo National Stadium.

Munaasabaddaan oo ah mida ugu weyn ee laga xuso Kenya, ayaa maanta waxaa ka qayb-galayo Madaxda ka socoto qaarada Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Wadanka Ghana John Dramani Mahama, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  iyo marti sharaf kale.

Madaxda kale ee ka qeyb gashay xafladii maanta waxaa ka mid ahaa Madaxda Xisbiga CORD ee Mucaaradka Kenya Raila Odinga, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Kalonzo Musyoka, Senatarka laga soo doorto deegaanka Bungoma, Moses Wetangula oo isna ka tirsan Xisbiga CORD iyo Afhayeenka Golaha Qaranka Kenya Justin Muturi.

Dabaal-dagaN oo loo yaqaano JAMHURI DAY - “Maalinta Jamhuuriyadda”ayaa waxaa laga xusaa dalka Kenya 12-ka bisha December oo ah Maalinta xornimada Kenya. Waxaana maanta aad loo adkeyay ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo Nairobi ay ugu horeyso.

Noroge Ndirangu oo ah isku-duwaha Xiriirka gobolka ee Kenya, ayaa xaqiijiyay in aad loo adkeyay ammaanka Kenya isla markaasna maanta la kordhiyay ciidamada booliiska ah ee illaalada haayo si looga hortago cabsi iyo hanjabaadyo dhanka amniga ah inta lagu gudo jiro dabaal-daga.

Magaalada Nairobi ayuu sheegay in kor loo qaaday amnigeeda mudo 24 saacadood ah inta lagu jiro munaasabada isla markaasna wadooyinka dhex maro Nairobi, ayaa maanta waxaa lagu arkaayay ciidamo aad u tira badan oo ay ka mid yihiin Dhalinyarada addeega Qaranka kenya ee (NYS) National Youth Service.

"Munaasabadda Jamhuuriga darteed maanta waxaan adkeynay amniga, ciidanka sir-doonka ayaa sidoo kale howl-galka qeyb ka ah kuwaasoo beegsaday meelo kamid ah magaalada si ay u sugaan ammaanka ayna u xiraan shaqsiyaad laga yaabo inay ku fekereyaan, la dhex-galida dadka isku soo baxay waxyaabo dambiyo lagu geli karo inta xafladuhu socdaan," ayuu yiri Ndirangu.

Munaasabada maalinta xornimada Kenya, ayaa waxaa looga dabaal dagaa Kenya sanad kasto marka lagaaro 12-ka December, waxaana lagu qabtaa munaasabado kala duwan dhamaan gobalada dalkaan uu ka kooban yahay, iyadoona qowmiyadaha ku dhaqan kenya ay ku soo bandhigaan ciyaaro ka turjumaayo dhaqamadooda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo daqiiqado ka hor soo gaba-gabeyay hadal uu ka jeediyay Munaasabadii maanta ka dhacday magaalada Nairobi, ayaa ku booriyay dadka Kenyan ka ah iney ka shaqeeyaan ammaanka iyo horumarka dalkooda. Wuxuuna oga hadlay qudbadisii qodobo ay ka mid ahaayeen qorshaha dowladiisa ee Shaqo abuurista, horumarinta kaabayaasha dhaqaale, Midnimada dadka Kenyanka ah, muranka wax ka bedelka ammaanka iyo Xiriirka caalamiga.

Munaasabada Xornimada Kenya, ayaa waxey ku soo beegmeysaa xili dadka masiixiyiinta ah ay isku diyaariyanayaan Ciidoodii isla markaasna dalka kenya, ayaa maanta oo kale waxaa ay ka tahay maalin fasax ah oo ay xiran yihiin xarumaha waxbarashada iyo goobaha Ganacsiga.

Kenya ayaa xornimadeedii ka qaadatay wadanka Britain 12-kii bishii December 1963-kii, laakin sanad kadib isla 12, December, 1964, ayey dadka Kenyan ah ay si buuxdo u heleen xornimadoodii ayna la wareegeen maamulka dalkooda, waxaana loo aqoonsaday maalintaas “12-ka December maalinta Jamhuri, iyadoona erayga "Jamhuri" oo ah afka Swaahiliga uu micnihiisu uu yahay "Jamhuuriyad".

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya