4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Dibadbax looga horjeedo Jariifka Maraakiibta Shisheeye oo ka dhacay Maraya

Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka Maraya ee gobolka Nugaal ayaa isugu soo baxay jidadka degmadaas iyaga oo ka caraysan maraakiib la sheegay in ay jariif ba’an ku hayaan kheyraadka xeebaha degmadaas iyo tuulooyinka kale ee ku teedsan.

“Waxaan halkan isugu soo baxnay in aamujinno dareenkeena ku aadan dhibaatada ay nagu hayaan maraakiibtan shisheeye “ayuu yiri Cabdi-wali Siyaad oo kamid ah dadkii ka qayb-galay banaan-baxaas.

“Dowladda waxa aan ka dalbanaynaa in arintan ay soo fara-galiso sababtoo ah, maahan maraakiib aan iska difaaci karno waana ay u hubaysan-yihiin,“ ayuu hadalkiisa ku daray Siyaad oo ka digay cawaaqib xumada arintan ka dhalan karta.

Waxaa la sheegay in shabaagadaha dadkan kulluumaysatada ah ay inta badan bur-buriyaan maraakiibtan oo la sheegay in qaarkood aysan fasax u haysan in ay ka kaluumaystaan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

“Cidna kama qarsoona in dhalinyaro kaluumaysto ah la xir xiray iyaga oo lagu sheegay in ay burcad yihiin ,lana qaatay qalabkii ay ku kaluumaysanayeen “ayuu mar kale xusay  Cabdi-wali oo  codsaday in arintan wax laga qabto.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa dhowar jeer oo hore ku celiyay in wax laga qaban doono arrimahan, waxaana soo baxaya shakiga laga qabo awoodda ay maamulka Puntland ku xakamayn karaan maraakiibtan xeebaha Soomaaliya u jooga inay burcadda ka difaacaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]