4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2014
EREG: Ma dhihi karno Maanta Awooddii Ururka Al-shabaab waa la burburiyay


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Sii-hayaha Xilka Wasiirka Amniga Somalia, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inaan la oran karin xilligan awooddii Xarakada Al-shabaab waa la burburiyay.

Ereg ayaa xusay in Al-shabaab ay weli khatar ku tahay nabadgalyada isla markaana ay qorsheynayaan in weeraro ka geystaan magaalooyinka sida magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Xilligan lama oran karo awooddii Al-shabaab waa la wiiqay, wax badan baa laga yaabaa inay sameeyaan… waa koox naf-la-caari ah oo ujeedkooda aan la aqoon; mana garanayaan waxaan dil ahayn,’’ ayuu yiri Erego oo wareysi siinayay BBC-da.

Sidoo kale, Ereg ayaa xusay in in kooxdan laga adkaan karo haddii iskaashi buuxda dhexmaro dalalka geeska Afrika. Wuxuu ka digay in weerarro kale ay ka geysan karaan Soomaaliya iyo dalal kale.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-qaacida ayaa laga qabsaday sannadihii lasoo dhaafay magaalooyin muhiim ah, kaddib weeraro ay wadajir ugu qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Magaalooyinka laga qabsaday Al-shabaab ayaa waxaa ku jirta degmooyinka Baraawe iyo Buulo-burte oo u ahaa xarumo waaweyn, kuwaasoo saldhigyo waaweyn ay ku lahaayeen.

Inkastoo howlgalka Badweynta Hidinya uu hakad galay, haddana saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan sheegay inuu dib u billlaaban doono howlgalkaas Al-shabaabna inta uusan sannadkan dhamaan laga saari doono goobaha ay ku harsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan weli ka  geysanaysa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo oo ka mid ah kuwa ay ka taliso dowladda Soomaaliya, waxayna weli Al-shabaab ka talisaa dhul badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya