4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Golaha Wakiillada Puntland oo loo gudbiyay Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Puntland ayaa Khamiistii shalay loo gudbiyay miisaaniyadda maamulkaas uu ku shaqeynayo sannadka soo socda ee 2015-ka, iyagoo wakiilladu ay maalmaha soo socota ka doodi doonaan miisaaniyadda la horgeeyay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Shire Xaaji Faarax ayaa wakiillada khudbad u jeediyay, taasoo uu kaga hadlayay miisaaniyaddii 2014-ka iyo siyaabaha ay u baxday. Isagoo sharraxaad ka bixiyay dhaqaalaha bil walba ku baxay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyay miisaaniyada 2015-ka ee ay u gudbiyeen baarlamaanka; isagoo sheegay in miisanaiyaddu dhan tahay $315, 379.5 ayna ka badan tahay miisaaniyaddii sannadkan 2014-ka.

Ugu dambeyn, guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa wakiillada u sheegay inay soo akhriyaan miisaaniyada; ayna isku soo diyaariya toddobaadka soo socda sidii ay uga doodi lahaayeen codna ugu qaadi lahaayeen.

Maamulka Puntland ayaa waxaa hoggaankiisu uu isbedelay bishii Jannaayo ee sannadkan, iyadoo maamulku uu sheegay inuu kordhin doono ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, si ay ugu maareeyaan howlaha ay bulshada u hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya