4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Qaramada Midoobay oo Codsatay Lacago lagu caawiyo Malaayiin Somali ah


Jimco, December 12, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa dalbatay 863-milyan oo doollar oo si deg-deg ah loogu caawinayo 2.7 milyan qof oo Soomaali ah oo u baahan gargaar deg-deg ah sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric.

Afhayeenka ayaa xusay in si deg-deg ah loogu baahan yahay lacagtaas, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhinaca bani’aadamnimada ah ee ka taagan Soomaaliya.

“Isu-duwaha gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ahayd mid aad sare ugu kacaysay tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay xaalado aad u daran oo dhinaca bani’aadamnimada ah ka dhaceen Soomaaliya,” ayay tiri Dujarric.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegtay in colaadaha, abaaraha iyo daad ku dhuftay deegaannada Soomaaliya qaarkood ay sare u qaadeen qiimaha lagu iibsado raashinka quutul-daruuriga ah.

“Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ugu yaraan saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin in si dhaqso ah loola gaaro gargaar deg-deg ah, kuwaasoo hal milyan oo ka mid ah aysan helin raashin ay cunaan,” ayaa hadalkiisa ku daray Dujarric.

Warbixinta ayaa lagu xusay in 20% ay sare u kacday xaaladda Soomaaliya ee dhinaca bani’aadamnimo sannadkan oo keliya, iyagoo ka digay in haddii aan gargaar deg-deg ah lala gaarin ay xalaaddu kasii dari karto.

Dhanka kale, warbixinta ayaa lagu xusay in xaaladdda bani’aadamnimo ee Soomaaliya oo kasii daraysa ay barbar-socoto dib u dhis ka socda Somalia kaddib in ka badan 23-sano oo ay colaado ka taagnaayeen Soomaaliya.

Ugu dabmeyn, afhayeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay loolan adag kula jirto sidii ay nabadda kusoo celin lahayd, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dagaal kula jiraan Al-shabaab si ay dalka u nabadeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya