4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 12, 2014
Dad Shacab oo lagu Toogtay Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose


Jicmo, December 12, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Marka ee gobolka Sh. Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee degmadaas ku sugan ay dad Shacab ah laayeen, waxaana dadkan ka mid ah nabaddoon si weyn looga yaqaanay degmada Marko.

Dadka ay toogashada ku dileen ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay sadex qof, iyadoo wararku ay sheegayaan in dadkaas ay ka mid ahaayeen shacab ay ciidamadu kala soo baxeen guryahooda; kaddibna ay toogteen.

“Shacabkan la laayay ciidanka AMISOM waxay kasoo kaxaysteen xaafadaha mana gara-nayno ujeeddada ay u dileen. Waxaan u aragnaa inay tani tahay xasuuq bareer ah oo ay AMISOM geysatay,“ ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Marko.

Goobjoogahan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay xitaa u geysteen dadkan dhac, wuxuuna xusay inay nabaddoonka dadka la dilay ka mid ah ay ka qaateen lacag dhan saddex milyan oo Shillin Soomaali.

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa cambaareeyay falkan shacabka lagu laayay ee ay geysteen ciidamada AMISOM, iyadoo aysan jirin wax war ah oo weli kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ee Soomaailya ku sugan.

Falkan ayaa ka mid noqonaya falal ay ciidanka AMISOM horay uga geysteen degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay ku dileen shacab ka mid ah dadka degmadaas ku nool.

Dhanka kale, ma jiro hadal weli kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan falkan la sheegay inay ciidamada AMISOM ku toogteen sadex ka mid ah shacabka ku nool Marko oo uu ku jiro nabaddoon caan ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya