4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Somalia oo Qalab Isboorti Qaybisay


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) —Wasaarada dhallnyarada iyo isboortiga Soomaaliya ayaa maanta kubado kuwa cagta ah ku wareejisay wakiilo ka socday maamul goboleedyada dalka, iyadoo kubadahan ay tiro ahaan gaarayeen 4500 oo kubbadood.

Munaasabadda wareejinta deeqdan ayaa waxa warbaahinta la hadlay Khaalid Cumar Cali oo ah sii hayaha wasaaradda ayaa xusay in deeqdan ay qayb ka qaadanayso is-dhex-galka bulshada, isla markaana maamullada gobollada dalka looga baahan yahay inay sii xoojiyaan sidii dhallinyarada Soomaliyeed  loogu wacyi-galin lahaa is-dhax-galka iyo muhiimada ay leedahay.

Dowladda federaalka Somalia iyo hay’adaha ka howlgala dalka ayaa waxay mudooyinkii dambe dalka ka wadeen olole lagu wacyi-galanayo dhalinyarada si ay ugu qeyb qaataan is-dhex-galka bulshada iyo horumarka dalkooda.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya