4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
MUUN-GAAB: Cudurka dadka badan dilay waxaa uga shakinay Shuban-biyood


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ah duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaan) ayaa sheegay in cudur illaa 15-qof ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, in ka badan 100 ruux oo kalena ay isbitaallada u yaallaan ay uga shakiyeen inuu yahay shuban-biyood.

Muun-gaab oo u warramayay VOA-da ayaa xusay inay socdaan baaritaanno lagu xaqiiji-nayo wuxuu yahay cudurkan dadka badan dilay, kuwa kalena ay isbitaallada magaalada u jiifaan cudurkan awgiis.

“Dadkan dhintay iyo kuwa isbitaallada la dhigay waxay cudurkaan qaadeen kaddib markii ay biyo ka cabeen ceel xaafadda Juungal ee degmada Yaaqsiid ku yaalla,” ayuu yiri Muun-gaab oo xusay in 95-qof ay yihiin dadka la dhigay isbitaallada.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa iyo kan degmada ay xireen ceelka loo maleynayo inay dadkaani biyaha ka cabeen, illaa inta baaritaanku socdana ay amar ku siiyeen inaysan shaqo-geli karin.

“Hay’adda WHO ayaa maanta qaadday dheecaanka dadka bukaanka ah si ay baaritaan ugu soo sameyso, marka kama hordhici karno wuxuu cudurkani yahay, balse waxaa jira shaki ah inuu yahay shuban-yood,” ayuu hadalkiisa ku daray Muun-gaab.

DHAGEYSO: Wareysiga uu Duqa Muqdisho siiyay VOA-da

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadalkiisa ku daray sheegay inay ku bixiyeen amar in dadka ku nool xaafadda Juungal oo 2,000 oo qof  in looga soo jiido biyo ceelasha ka fog kuwa xaafaddaas ku yaalla, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka tahay xakameynta cudurkan aan weli la garan.

Ugu dambeyn, duqa Muqdisho wuxuu sheegay in bukaannada ay dhibaatadu ku dhacday la kala dhigay isbitaallada Keysaney, Carrafaat, SOS iyo kuwo kale oo caasimadda Somalia ku yaalla, isagoo sheegay in xalaadda bukaannada ay hadda wanaagsan tahay.

Dhanka kale, mid ka mid ah bukaannadii arrintan isbitaalka loo dhigay ayaa sheegay inay u maleynayaan in cudurkan ay ka qaadeen biyo sumeysan oo ay cabeen, isagoo intaas ku daray in 10-qof oo carruur u badan ay dhinteen.

Si kastaba ha ahaateen, arrintan ayaa waxay cabsi weyn ku beertay dadka ku nool degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo laga baqdin qabo in cudurkan uu ku faafo xaafado hor leh oo degmadaas ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya