4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Hay’adaha Ammaanka oo amar kasoo saaray kireynta Gaadiidka (DHAGEYSO)

Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Hay’adaha ammaanka dalka ayaa ku soo rogay awaamiir cusub shirkadaha kireeyay gaadiidka, iyagoo ku boorriyay inaysan gaadiidkooda ka kireyn karin shaqsiyaad, hay’ado iyo shirkado iyagoo hay’adaha amniga dalka aan ka haysan ruqsad.

Amarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan ay magaalada Muqdisho ku soo badanayeen dilalka lagu geysto gaadiidka, kuwaasoo ay intooda badan mas’uuliyaddooda sheegato Xarakada Al-shabaab.

“Ganacsatada Soomaaliyeed ee kireeya gaadiidka waxaan ku wargelinaynaa inaysan gadiid ka kireyn karin, shaqsiyaad, hay’ado ama shirkado, iyagoo aan ruqsad ka haysan hay’adaha amniga dalka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday maanta oo Khamiis ah hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, amarkan kasoo baxay hay’adaha amniga dalka ayaa lagu xusay in ganacsatada kireeya gaadiidka loo baahan yahay inay macluumaad ka haystaan cidda ay gaadiidkooda ka kireynayaan, aysanna ku fududaan inay ka kireeyaan cid aysan macluumaad ka haysan.

DHAGEYSO: Amarka kasoo baxay Hay'adaha Ammaanka DF 

“Baabuurta aan qabannay ee dhibaatooyinka lagu geystay qaarkood waxaa leh ganacsato Soomaaliyeed oo laga kireystay oo loo sheegay in la siinayo lacago ka badan intii lagu kireyn jiray, markaas kaddibna dhibaato lagu geysto gaadiidka, waana sumcad-darro in gaari uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan,” ayaa warbixinta hay’adaha amniga lagu sheegay.

Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay inay ka ganacsiga baabuur kireynta soo dhaweynayaan, ayna qayb ka tahay caasimadda oo dib u soo noolaanaysa, balse waxaan leennahay maadaama xaalad amni lagu jiro in ganacsatadu ay gaadiid-kireynta mariyaan sharcigan si looga hortago in gaadiidkooda dhibaato lagu geysto.

Si kastaba ha ahaatee, awaamiirtan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay ku soo rogaan hay’adaha amniga ganacsatada leh xafiisyada iyo goobaha lagu kireeyo gaadiidka, taaasoo aan horay Muqdisho uga jirin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya