4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Siilaanyo hadiyado gudoonsiiyay danjire ku Xigeenkii hore UK ee Addis Ababa


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley safiir ku xigeenkii hore ee dalka Britain u fadhiyi jiray Itoobiya oo shaqaddii laga bedelay.

Siilaanyo ayaa hadiyado iyo astaamaha cidaha iyo dhaqanka Soomaalida gudoonsiiyey, isla markaana uga mahad naqay sidii wanaagsanayd ee ay u wada shaqeeyeen mudaddii uu Addis u qaabilsana dalkiisa.

Kulan saacaddo qaatay ka dib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo safiirkaasi hore Mr Chris Allan.

Safiir kuxigeenka ayaa sheegay inuu Hargysa u yimid sidii  uu u macasaalameyn lahaa madaxweynaha iyo shacabka Somaliland oo uu mudadda dheer la soo shaqaynayey, waxaanu xusay inuu wax badan ka bartay Somaliland, isla markaana aanu noqon doonin safarkiisii ugu dambeeyey ee uu marar kale soo noqon doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dawlada Ingiriisku tahay dawlad la saaxiib ah shacabka iyo dawladda Somalilanad, isla markaana wax badan ka taageerto.

Wasiirka ayaa safiir ku xigeenka ku amaanay shaqooyinkii badnaa ee ay soo wada qabteen, isla markaana kaalinta uu lahaa xidhiidho badan oo Somaliland la yeelato dalkiisa, isago safiirka uga mahad naqay xidhiidhka wanaagsan ee uu mar walba la samayn jiray.

Kulankan madaxweynaha waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan  Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Biixi, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi, Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Samaalle

Safiirkan ku xigeenkan hore ayaa muddaba marka uu joog safar shaqo u iman jiray, isla markaana mararka muranka badan ee xaga siyaasadda yimaaddo isku dayi jiray inuu xaliyo, waxaanu xusay inuu noqday khabiir ku takhasusay arrimaha Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland