4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Mashruuc lagu dhisayo jid isku-xira Muqdisho iyo Hobyo oo lagu dhawaaaqay


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Shirweyne ay kasoo qay-galeen in ka badan 200 oo qof oo isugu jira, siyaasiyiinta, odayaasha-dhaqanka , culummada, dhallinyarada iyo haweenka beelaha Mudulood ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo looga dhawaaqay mashruuc lagu dhisayo waddo xeebta mari doonta oo isku xiraysa magaalada Muqdisho iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Imaamka beelaha Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo shirweynahan hadal ku furay ayaa sheegay in dhismaha waddo isku xiraysa Muqdisho iyo Hobyo ay tahay mid baahi weyn loo qabay oo dan u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

“Annagu waan bilaabaynaa, waayo cid uun ayaa billaabi lahayd, balse jidku waa mid Soomaaliyeed, waxaana qof waliba laga doonayaa inay gacan ka geysato,” ayuu yiri Imaamka oo dadka mashruucan kasoo shaqeeyay ugu duceeyay inay guuleystaan, howshaanna ALLE la garab-galo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in jidka la dhisayo ee isku-xiri dooona Muqdisho iyo Hobyo uu yahay mid ka mid ah mashaariicda lagu horumarinayo ummadda, lagana helayo ajar aan la koobi karin. Isagoo yiri, “Fikirka mashruucan wuxuu ka yimid salaadiinta beesha, kaddibna waxay u yeereen siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, maanta ayay suuro-gashay inaan isla helno,” ayuu yiri ugaaska.

Sidoo kale, ugaaska ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka tagan tahay jidka, dadkuna ku cadiban yhiin maritaankiisa, wuxuuna xusay inay marki karaan oo keliya baabuur loo yaqaan TM-ka oo qof xanuunsan, haween foolaneya, xamuul iyo qof kasta lagu soo qaado, wuxuuna jidku halis ugu jiraa inuu gebi ahaanba xirmo lana mari waayo.

Ugaasku wuxuu caddeeyay in la furi doono xisaab bangiyeed dadka oo dhan lacagta dhismaha waddadan ay kusoo shubi karaan, lacagtaasoo loo sameyn doono guddi lagu kalsoon yahay oo ku maamula mashruuca lagu fulinayo. Wuxuuna ugu baaqay dadka ku abtirsada beesha iyo Soomaalida kale ee ku gudaha iyo dibadda inay wixii ay heli karaan ugu deeqaan dhismaha jidkaas, iyadoo la ballan-qaadayo in shilin kasta oo lagu deeqo lasoo bandhigi doono; laguna bixin doono sidii loogu talo-galay.

Waxaa kulanka ka hadlay Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, Ugaas Cusmaan Ugaas Cilmi iyo C/llaahi Geedi Shadoor, kuwaa oo ku hadlayay magaca dhaqanka beesha, iyagoo tilmaamay in dhismaha waddadan ay tahay mid Soomaalida oo dhan ka dhaxeeya, laakiinse beesha Mudulood ay bilaabeyso oo kaliya, uuna yahay mid u furan Soomaalida oo dhan, dowladda oo kaalinteeda laga rabo, beesha caalamka iyo cid kasta oo wax-tari karta dhismaha jidka.

Imaan Maxamed Cali oo ku hadlayay magaca ganacsatada Muddulood ayaa isna shirka ka balanqaaday inay kaalin weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka isku-xiri doona Muqdisho iyo Hobyo ee mara xeebta oo dhibaatadiisu wax badan soo taagnayd; wuxuuna xusay in waddadaas ay anfici doonto cid kasta oo marta.

“Waxaan aamin-sanahay inaan dhisi karno jidka haddii aan is kaashano, cid kasta meesha ay ka degto haddii ay dhisto jidkaas waa dhismayaa,” ayuu ku yiri hadalkiisa ganacsade Imaan Maxamed Cali.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka; Ismaaciil Macalin Muuse oo isna ereyo ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhismaha jidka isku-xiraya Muqisho iyo Hobyo uu ku dhismi karo oo kaliya haddii la is-kaashado, ruux waliba oo beesha ka mid ahna uu dhiibto $100 illaa $200. “Dhulka Muqdisho iyo Hobyo u dhexeeya ma dheera, madaxweynaha ayaa horay ugu baaqay in la d hiso, dowladda waxaan ugu baaqeynaa inay doorkeeda ka qaadato jidka dhismihiisa.”

Culimmaa’uddiin ay ka mid yihiin; Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Cali Dheer, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Daa’uud Sheekh ayaa iyaguna ka hadlay iyagoo faahfaahiyay faa’iidada adduun iyo aakhirba laga helayo in waddo la dhiso, waxayna xuseen inay tahay mid nafci adduunyo iyo sadaqo socota ah illaa qiyaamaha. Iyagoo dadka gaar ahaan jaaliyadda dibadda ugu baaqeen inay ka qayb-qaataan dhismaha waddadaas.

Dhinaca haweenka waxaa shirka ka hadlay; Caasha Omar Gees-diir oo ka socotay Sweden, Shamso Cali Macallin, Nadiifo Sheekh Cali Tuur iyo xubno kale oo dhinacooda ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan dhismaha jidka, isla markaana ay ragga uga hormari doonaan dhaqaale ururinta.

Siyaasiyiintii ka hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Shiiraar oo Iyana sheegay inay daraasad ku sameeyeen waddadaas, kaddib markii ay arkeen dhibaatada ka taaganna ay u istaageen sidii wax looga qaban lahaa, iyagoo ballan-qaaday inay hormuud u noqon doonaan dhismaha jidkan.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia, Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dhismaha jid isku-xira Muqdisho iyo Hobyo uu yahay mashruuc Qaran oo billow u ah horumarka dalka, salkiisuna yahay nabad-gelyada la helay.

Prof. Geeddi wuxuu baaq u jeediyay bulshada Muddulood ee ku nool dalalka dibadda; isagoo ugu baaqay inay dhaqaale ugu yaboohaan mashruucan oo ah mid muhiim ah, isagoo kula dar-daarmay in baaqan la gaarsiiyo guri iyo qoys kasta si loogu guuleysto dhismaha jidka baahida weyn loo qabo.

Dhanka kale, intii uu shirweynuhu socday waxay injineeradii soo qiimeeyay dhismaha jidkan oo dhinaca xeebta mari doona ay soo jeediyaan daraasad ku saabsan xaaladda jidka iyo baahida dhaqaale ee la doonayo si loo dhiso. Waxayna soo bandhigeen qorshe lagu dhisayo wejiga koowaad oo ah 300-km oo carro kaawo ah, waxayna sheegeen in halkii Kiiloo-mitir ay ku bixayso dhaqaale dhan $250,000. Iyagoo caddeeyay in caadiyaan 1-km oo jid ah lagu dhiso hal milyan oo doollar, balse ay iyagu isku tashanayaan faa’iido ay ka doonayaanna aysan jirin.

Ugu dambeyn, waxaa shirka hadallo kasoo jeediyay xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, Xaaji Cabdi Iimaan iyo Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo isagu ku yaboobay inuu ku darsanayo dhismaha waddadan $20,000, taasoo noqoneysa dhaqaalihii ugu horreeyay ee dhismaha jidka u soo xerooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya