4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Dagaal ka dhacay Degmada Taleex oo lagu Guuleystay in la joojiyo (Sawirro)


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Waxgarad, odayaal iyo culummaa’uddiin ku sugan degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ku guulaystay inay joojiyaan dagaal shalay gelinkii dambe billowday kaasoo socday illaa habeennimadii xalay.

Dagaalkan oo ahaa mid u dhexeeya laba beelood oo wada-dega Taleex ayna horay colaadi u dhexmartay ayaa shalay si kadis ah ku billowday iyadoo ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan; illaa haddana lama oga khasaaraha nafeed ee dagaalkaas uu dhaliyay, wallow dadkii ku noolaa degmadaas ay ka barakaceen.

Waxgarad dhawaanahan ku sugnaa Taleex ayaa dadaal weyn ugu jiray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda labadan beelood dhextaalla oo marar badan soo laalaabtay ayaa u gun-taday sidii ay dagaalkan u joojin lahaayeen; iyagoo kaashanaya dhallinyarada iyo dadka kale ee deegaankaas la daga labada beelood.

Jidadka magaalada Taleex ayaa dhamaantood la xiray si loo hakiyo gaadiid dagaal oo soo gaara dhinacyada ay colaaduhu dhexmaraysay, iyadoo lagu guuleystay in ciidamadii uu ku dhexmaray dagaalka laga saaro magaalada.

Amarrada ay guddigani soo saareen ayaa waxaa ka mid ahaa inaan la arki karin wax ciidan ah oo magaalada hub ku dhexwata, iyagoo ku guuleystay inay ciidamadii geeyaan meel magaalada ka baxsan.

Dagaalkan ayaa dad badani cabsi ka qabeen inuu dhaliyo barakac baahsan, balse xaaladda magaalada Taleex ayaa kusoo laabatay gelinkii danbe ee maanta sideedii hore, iyadoo dib loo furay goobaha ganacsiga iyo is-gaadhsiinta.

Walaaca laga qabo dagaallada Taleex ayaa ah mid aan soo af-jarmin muddo sannado ah; iyadoo dhowr jeer labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo dhibaatooyin badan reebay, walise ma quusan guddiga haatan wada dadaallada lagu soo afjarayo colaaddadn raagtay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool