4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Maamulka Jubba oo Kismaayo ka Hir-geliyay Waaxda Sameynta Aqoonsiyada

Khamiis, December 11, 2014 (HOL) —
Xaflad ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Ururrada haweenka, dhalinyarada, salaadiinta, madaxda maamulka Jubba iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay xarunta Smart Technology ay ku leedahay magaalada Kismaayo.

Xaruntan Smart Technology ayaa maamulka Jubba ka caawin doonta sameynta aqoonsiyada kala duwan, sida aqoonsiga muwaadinka, taarikooyinka gaadiidka iyo guud ahaan aqoonsiyada kala duwan ee sharciga ah.
Shaafi Raabi Kaahin oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubooyinka oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay tahay mid wax weyn ka tari doonta dhinacyada amniga iyo horumarka deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubba.

Masuulkan ayaa sheegay in sharciyada kala duwan ee ay sameyn doonto shirkaddan ay kamid yihiin, kuwa muwaadiniinta, darawallada gaadiidka iyo weliba dhammaan sharciyada kala duwan ee ay isticmaalaan dowlaha caalamka.

Munaasibadda ayaa waxaa ka hadlay marti sharaftii kala duwanayd ee lagu casuumay, kuwaasoo  dhammaantood sheegay in ay soo dhaweynayaan waaxdan cusub ee aqoonsi u sameynta muwaadiniinta, Iyadoo ururka haweenka Jubooyinka uu shahaado sharaf gudoonsiiyay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubooyinka Shaafi Raabi Kaahin, kaasoo ay sheegeen in uu kaalin weyn ka qaatay hirgelinta nidaamkan.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka arimaha bulshada Macalim Max'ed Ibraahim iyo weliba wasiirka maaliyadda Mudane Max'ed Sheekh Yuusuf, kuwaasoo sheegay in xaruntan cusub ee ay maanta ka hirgeliyeen magaalada Kismaayo ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka horumarka, iyagoo kula dardaarmay shaqaalahan waaxdan cusub in ay aad uga fiirsadaan dadka ay siinayaan aqoonsiyada.

Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) ayaa gabagabadii xariga ka jaray xarunta, isagoo sheegay in laga bilaabo maanta ay furantahay xaruntan islamarkaana la doonayo in shacabku iska diiwaangeliyaan si loogu sameeyo aqoonsiyada ay u baahanyihiin.

Markii ay xafladda soo dhamaatay ayaa waxaa kaararka aqoonsiga muwaadinnimo loo sameeyay Madaxweeyne ku xigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Lugadheere, Wasiirka arimaha Bulshada Macalim Max'ed Ibraahim iyo weliba wasiirka maaliyadda Mudane Max'ed SHeekh Yuusuf.

…………….
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.