4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Dad rayid ah oo u Geeriyooday biyo ay ku Sumoobeen iyo kuwo la Xanuunsan

Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Inta la og-yahay 15-qof oo rayid ah ayaa u dhintay biyo ay cabeen, iyadoo la sheegay in 100-qof oo kalena ay la il-daran yihiin biyaha suntan leh oo ay cabeen.

Dadkan ayaa la sheegay inay xalay cabeen biyo mid ka mid ah ceelasha ku yaalla xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, iyadoo dadka geeriyoody ay u badan yihiin carruur.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in tan iyo xalay ay dadkan soo dhacayeen, ayna ugu dambeyn geeriyoodeen 15-qof, iyadoo isbitaallada Muqdisho la dhigay boqol ruux oo kale oo la il-daran suntan.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan ceelka biyaha lagu sumoobay laga cabay, iyagoo sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan ceelkaas haddii ay ku caddaato in sunta waxyeellada geysatay laga cabay.

Sidoo kale, maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in biyaha ceelkan ay u dirayaan baaritaan si loo ogaado sunta ku jirta nooceeda, isagoo xusay inuu amar ku bixiyay in ceelka la xiro.

Arrintan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka ku nool degmadaas, taas oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran Muqdisho uguna dadka badan, iyadoo ay dadka la xanuunsan suntan ay xaaladahoodu kala daran yihiin.

Wixii kasoo kordha arrintan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya