4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Dilalka ay geysteen kooxaha ku xiran ururka Al-Qaacida oo lasoo bandhigay


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Warbixin ay wadajir u soo saareen BBC iyo King Collage oo ah machadka ka shaqeeya la-dagaalanka argagaxisada oo xaruntiisu ay London ku taallo ayay soo bandhigeen tirada weerarrada kooxaha hubeysan ee ku xiran Al-Qaacida ay Novembertii la soo dhaafay ka geysteen caalamka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dalalka Afghanistan, Nigeria, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa kaalimaha hore ka galay dalalka weerarrada ugu badan ay ka geysteen kooxahan bishii November, iyadoo warbixintan lagu soo badhigay noocyada weerarradaas iyo meelaha ay ka dhaceen.

Tirada dadka weerarrada ku geeriyooday ayay warbixintu ku xusay inay gaarayaan 5,042-qof, kuwaasoo lagu dilay 664 weerar oo ka kala dhacay 14 waddan, taasoo ka dhigaysa in maalin walba 168 qof lagu dilay weerraradan ay kooxahani geysteen, halka saacadii ay ka noqonayso toddoba qof.

Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa la sheegay inay mas’uul ka tahay dhimasahada dad gaaraya 266 qof, kuwaasoo lagu dilay 41 weerar oo ka dhacay Somalia iyo dalka ay dariska yihiin ee Kenya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa muujinaysa in 31% dadkaas oo u dhigmaysa 5,000 oo qof lagu dilay toogasho, iyadoo 19% lagu dilay qaraxyo iyo 10% lagu dilay weerarro kala duwan oo gaadmo ahaa.

Al-shabaab ayaa qirtay mas’uuliyadda weerarro ka dhacay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay dad badan ku dhinteen. Weerarkii ugu dambeeyay ayay Al-shabaab ku dishay 36-qof oo dhagaxda qoda, kuwaasoo ku sugnaa duleedka magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Kooxda ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ee ISIS ama Daacish loogu yeero ayaa la sheegay inay iyaguna mas'uul ka yihiin dilka 2,000 oo qof oo dadkan ka mid ah, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalooyin dalalkaas ka mid ah.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in Daalibaan oo ka dagaalanta Afghanistan ayaa mas’uul ka ah sida warbixinta lagu sheegay dilalka 720-qof, kuwaasoo lagu dilay weerarro gaaraya 151 weerar oo dalkaas ka dhacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya