4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 11, 2014
Golaha Ammaanka oo soo Dhaweeyay Kalsooni kala laabashadii Xukuumadda


Khamiis, December 11, 2014 (HOL) — Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay ka hadlay arrimaha Soomaaliya, sida kalsooni kala laabashadii ra’iisul wasaarihii hore iyo xukuumaddiisa iyo weliba xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa booqshadoodii Somalia warbixin ka siiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, iyagoo ku baaqay in ay muhiim tahay in hoggaanka Soomaaliya ay noqdaan kuwo wada-shaqeyn ay ka dhexeyso. Sidoo kale xubnaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha ka taagan Soomaalia, gaar ahaan xasillooni la’aanta siyaasadeed.

Sidoo kale, xubnaha 15-ka ah ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan uu ku xalliyay golaha baarlamaanka Soomaaliya xiisadihii siyaadeed ee taagnaa. Waxayna ammaan u jeediyeen ra’iisul wasaarihii kalsoonida lagala laabtay taasoo ku aaddan ogolaashihii uu ogolaaday natiijada iyo baaqsiissii ahaa in khilaafka lagu bedelo wada-shaqeyn.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku celiyay go’aankooda ay taageerayaan hirgalinta aragtida 2016-ka ee ah inay dalka doorasho ka dhacdo. Waxayna intaa raaciyeen inay muhiim tahay in madaxweynuhu uu si dhaqso ah u soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay dalbadeen in si dhaqso ah loo hagaajiyo xiisadaha siyaasadeed ee kusoo laalaabtay dowladda Soomaaliya, lana sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si loogu guuleysto aragtida soo aaddan ee 2016-ka.

Waxay kaloo xubnuhu hoosta ka xariiqeen inay ka walaacsan yihiin in mar kale ay xasil-looni-darro siyaasadeed ka dhacdo Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen mid wiiqi karta horumarradii la gaaray gaar ahaan nabadda iyo ammaanka. Sidoo kale waxay ku baaqeen in ra’iisul wasaaraha cusub ee lasoo magacaabayo uu diiradda saaro arrimaha muhiimka ah sida in dib loo habeeyo dastuurka qabyada ah iyo in la dhiso guddiga doorashada.

Ugu dambeyn, xubnaha golaha ammaanka waxay sheegeen inay gacan ka geysan doonaan hirgelinta geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Si dalka looga hir-geliyo federaalka doorashadana ay ku dhacdo xilligii loo qabtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya