4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Suxufiyiin Codsaday in Sharciga la Hor-keeno Xasan Xanafi Xaaji (SAWIRRO)


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Wariyeyaasha iyo Agaasimayaasha Warbaahinnada kala duwan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho oo maanta kulan ku yeeshay ayaa soo dhaweeyay qabashada, Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa saraakiisha Al-shabaab, kaasoo loo haysto eedo la xiriira inuu mas'uul ka yahay wariyeeyaal badan oo Muqdisho lagu dilay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Wariyeyaashii ka qaybgalay kulanka oo qaarkood hadlay ayaa dowladda FS ka dalbaday inay sharciga horkeento Xasan Xanafi, iyadoo kulanka ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Agaasimaha Radio Kulmiye, Cismaan C/llaahi Guure oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xanafi uu mas’uul ka yahay dilal kala duwan oo wariyaal ka howlgalayay Muqdisho loo geystay, isagoo codsaday in cadaaladda la hor-keeno.

Sidoo kale, C/raxiin Ciise Caddoow oo ah agaasimaha Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Somalia ayaa ammaanay tallaabadii Xasan Xanafi lagu soo qabtay, isagoo u mahad-celiyay laamaha ammaanka ee suurogeliyay in gacanta lagu soo dhigo.

“Maxkamadaha waxaan ka dalbanaynaa in dacwadda Xasan Xanafi laga soo qaybgeliyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan, si ay ugu caddeeyaan wixii dambi ah ee uu geystay, waayo suxufiyiin badan ayaa gacantiisa ku maqan,” ayuu yiri C/raxiin Ciise.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wariyeyaal iyo ehellada wariyeyaashii lagu dilay Muqdisho, iyadoo qaarkood oo hadlay ay sheegeen inay xilli walba tuhun uga qabeen dilka wariyeyaasha ehellada ama waalidka u ahaa Xasan Xanafi.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibaarhin Bakistaan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa isna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in uu gacanta lagu soo dhigo Xasan Xanafi oo loo haysto dilal loo geeystay wariyeyaal badan.

“Dowladdu waxay ka jawaabtay baaqeenii ahaa in lasoo qabto kuwii dilalka wariyeyaasha fuliyay, waana mid aan ku faraxsannahay in maanta dowladdu ay gacanta ku hayso mid ka mid ah raggaas,” ayuu yiri Bakistaan.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray wasiirkii hore ee Gacansiga Somalia, Maxamed Axmed Xasan oo soo dhaweeyay qabashada Xasan Xanafi Xaaji oo uu sheegay in muddo badan uu maqli jiray inuu fuliyo dilalka wariyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, weli Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin Xasan Xanafi oo gacanta ugu jirta dowladda Soomaaliya, iyadoo Xanafi lagu qabtay dalka Kenya, balse ciidamada amniga dowladda Somalia ay sheegayaan inay ku qabteen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya