4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Shirkii Copehagen kasoo laabtay


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ka mid ahaa wafuudii ka qeyb-gashay shirkii Copenhagen ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee Beledweyne kusoo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM, waxgarad iyo qeybaha bulshada magaalada.

Dad isa soo abaabulayay ayaa guddoomiyaha markii u soo gaaray xarunta maamulka waxaa ay ku soo dhaweeyeen cayaaro kala gadisan, iyaga oo muujinayay sidda ay ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashadiisa.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadllay ayaa ugu horeyn sheegay in shirkii bishii aynu soo dhaafnay lagu qabtay magaalada Copenhagen uu ahaa shir wax tarweyn u lahaa sidda uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu sheegay in diirada lagu saaray shirkaas waxyaabihii u qabsoomay dowladda mudadii ay jirtay iyo waxa dhimin ee loo baahan yahay in horay loogu sii dhaqaaqo dhameystirkooda, isaga oo intaa raaciyay in dhamaan wafuudii caalamiga aheyd ee ka qeyb-gashay u riyaaqeen dadaallada socda iyo hormarka ilaa iyo hadda lagu talaabsaday.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay guddoomiye Cabdifaax in dalalkii uu soo maray shirka kaddib ay isku arkeen saraakiil ka tirsan dalalka daneeya Soomaaliya iyo hay'addaha ka shaqeeya arrimaha hormarinta oo ay si gaar ah uga wadda hadaleen xaalada gobolka.

“Waxaan rabaan inaan idin sheego in gobolka mashaariic dhowr ah dhawaan laga fulin doono, ballanqaadyo cadna ay jiraan, tusaalle ahaan waxaa dib u dhis sidda ugu dhaqsiyaha badan loogu sameyn doonaa xarunta gobolka, jidadka bur bursan ee magaalada, iyo goobaha danta guud, gaar ahaan isbitaalka magaalada Beledweyne oo la qalabeyn doono,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wuxuu bogaadiyay shir maalintii Afaraad Beledweyne uga socda mas'uuliyiin maamulada degmooyinka iyo qaybaha bulshada ka socda oo ay soo qaban-qaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka fulintiisana iska kaashanayaan hay'addaha CRD iyo UNDP.

Saraakiisha iyo guud ahaan ciidamada gobolka ku sugan ayuu ugu mahad-celiyay sidda ay uga shaqeynayaan nabad-galyada, isaga oo ugu baaqay qeybaha bulshada in ay gacan buuxda siiyaan ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya