4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Maalinta Xuquuqda Aadanaha Adduunka oo Magaalada Hargeysa laga Xusay


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Xuska maalinta Xuquuqul Aadamaha, ayaa maanta si balaadhan looga xusay magaaladda Hargeysa, taas oo ay ka soo qaybgalleen masuuliyiin faro badan oo ubadan wasiiro ka tirsan xukuumadda.

“Aniga magaca kominshanka ku hadlaya waxaan idin kaga mahad-celinayaa kasoo qayb-galka aad xafladda kasoo qaybgasheen. Maanta oo 10-ka December ah caalamka oo dhan waxaa laga hadlayaa sida xuquuqda aadanahu ay tahay, waxana loo baahan yahay inaynu horumarino Xuquuqul Iinsaanka.. waa in loo sinnaadaa qawaaniinta aynu dhiganay oo qofna aanu dhaafin… waa in qawaaniinta oo wax walba ka sarreysa yanay reer-nimadu ka sarreyn,“ ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka kominshanka Somaliland ee xaquuqul insaanka, Maxamuud Garaad Maxamed.

Wasiirka Wasaarada Waxabarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Runtii Quraankeena Ayaa Sheegay Oo Ilaahay Ayaa Binu Aadamka Karaameeyey waxaa weeye waa inaad wax kasta oo aad qabaneyso ay ka hor-reysiiso bani'aadamnimada, haddii aad dhakhtar tahay iyo haddii aad qof kale oo xil-haya tahayba. Bani'aadam ayaynu nahay khaladaadku way badan yihiin, dadku way khaldami karaan, balse mar walba waa inaynu kitaabkeenna Qur'aanka Kariimka ah ku noqonnaa. Waa wax adag in qofka xoriyaddiisii la qaato, yeynaan ku deg-degin in qofka la xiro ee aynu iska kaashanno in la furdaamiyo.

“Maalintan waxay ka tarjumaysaa in qofka bani'aadamka ahi leeyahay sharaf iyo karaamo, iyadoo aan loo eegeyn midab, diin, reer, hayb-sooc iyo wax kasta oo karaamadiisa qofnimo wax u dhimaya. Aniga oo ku hadlaya magaca kominshanka xuquuqul insaka Somaliland sida uu dhigayo xeerka kominshakeennu waa hay’ad u madaxbannaan gudashada waajibka saaran si waafaqsan xeerka iyo qanuunka caalamiga ah ee xuquuda aadanaha,” ayay tidhi gudoomiyaha xuquuqul insaanka Fadxiya Xuseen Axmed.

Waxaanay intaas ku dartay “Kominshanka xuquuqul insaanka waxaa soo gaaaray 151 kiis oo cabasho ah oo isugu jira xuquuq, racfaan Iyo muddo dhaaf xadhig oo dadka qaar ka mid ah ay sheegayaan  inay muddo badan xirnaayeen, waxaa jira kiisas kufsi ah. waxaanan ku guuleysannay inaan jeelasha Somaliland kasoo dayno dad badan oo xirnaa kaddib markii aan warbixinnadeenna u gudbinnay maxkamadda, sidaasna ay kusii daysay dadkaas. ”

Guddoomiyaha daladda NAGAAD, Nafiisa Axmed Yuusuf oo iyaduna munaasabadda ka hadashay ayaa waxay bulshada ku boorrisay in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa dhan ka ah bani'aadamnimada, iyadoo si gaar ah uga hadashay kufsiga loo geysto haweenka oo ay ku tiulmaantay wakhtiyadan danbe inay soo badanayaan, isla markaana waxcay waalidiinta kula dardaarantay inaanay ubadkooda ku kaca kufsiga ku garab-siin.

“Sida La Sheegay Xuquuda Aadamku Marka Hore Waa Xad Uu Leeyahay Qof Waliba Hadii Qof Waliba Doono In Xaqiisa  In Si Aan Xad Laheyn Ugu Dhaqmana Wax Suurtobay Maaha .Xaq Waliba Uu Leeyahay Xad Uu Qofku Ku Dhaqami Karo  In La Isturo Kitaabkeena Ayaa Qoraya Oo Diinteena ayaa Sheegaysa . Waxaa Hore U Dhici Jirtay In Ragu Haweenka ay Hangool Ku Jajabin Jireen Laakiin Maanta Anigu Waxaan Qabaa In Ay Dumarku Hangoolka La Dhaceen,Haweenka Halka ay Maanta Ka Joogan Garsoorka Xeer Ilaalinta Way Ka Shaqeeyan Oo Waad Ka War heshaan Oo Qareenada Way Ka Shaaqeeyaan Oo Way Gadheen Haweenku In ay Qareeno Noqdaan”ayuu yidhi wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid.#

Dhinaca kale, Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland (Human Right Center) ayaa iyadduna soo bandhigay warbixin sanadeedkoodii ay ka diyaariyeen xad-gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee xukuumada Siilaanyo geysatay sanadkan.

Warbixintan ay ka diyaariyeen tacadiyadda ka dhanka ah bani’aadamka taas oo ka kooban dhawr iyo kontan bogg, waxa ay ka hadlaysaa wayaabo tiro badan oo soo hoosgalaya dhinac walba oo ka mid ah bulshada Somaliland.

“Booliiskeennu wuxuu si caadi ah u caadaystay in mar walba uu dadka xidho isaga oo aan raacin habkii sharcigu dhigayey, waayo laba shardi ayuu sharcigeenu sheegayaa in qofka lagu xidhi karo (1) Isagoo Dambi faraha kula jira (2) ama isagoo amar qabasho oo sababaysan ay maxkamadi usoo jartay”ayuu yidhi gudoomiyaha ururkan.

“Xagga Warbaahinta Xaruntan Xuquuqal Iinsaanku waxa ay sanadkan diiwaangalisay in la xidhay 23 Wariye, in Wargeysyada Haatuf, Hubaal, iyo labada wargeys ee kale ee Somaliland Times iyo The Independent ee ku lamaan la xidhay, waana markii u horaysay ee Somaliland in afar wargeys aanay loo ogolayn inay dalka ka hawlgalaan, isla markaana aanay jirin meel sharciya oo ay ka doodi karaan oo ay xaqooda ka raadsan karaan”ayuu raaciyey hadalka.

Xaruntani waxay kale oo ay warbixinteedda ku jirtay muwaadin reer Somaliland ah oo loo gudbiyey dawaldda Jabuuti “Waxa kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah muwaadin u dhashay Somaliland oo sanadkan dawlada Somaliland u gudbisay dawlada Djibouti, gudbintaa Cabdilaahi la gudbiyey waxa ay xad-gudub ku tahay dastuurka Somaliland oo si cad u sheegaya inaan qof muwaadin ah loo gudbin dal kale, dalka Djibouti ee loo gudbiyeyna sida ay warbixinuhu soo qaateen sida Human Right Watch iyo wasaarada Arrimaha Dibada Maraykankuba waa dal ku tacadiya Xuquuqda Aadamaha”

Maalintan xuquuqda insaanka ayaa dhawr ee meelood oo kala duwan laga kala xusay, isla markaana aad looga hadlay tacaiyadda ka dhanka ah bani’aadamka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland