4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
C/weli Gaas oo kaga Qayb-galay kulan loog hadlay difaacidda dadka dulman



Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayay difaacidda dadka la hayb-sooco ee ku dulman Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garowe ,iyadoo uu ka soo  qayb-galay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa shirkan joogay qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera Somaliya ,madaxda maamulka ,qaar kamid ah beelaha wax ka tirsanaya maamulka iyo waxgarad kale,waxaana shirkan soo qaban-qaabisay hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Maxamed Cali oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu ka xunyahay gabood falladii lagula kacay beelaha dulmiga ka tirsanaya maamulkiisa ,isagoo ku baaqay in arintan laga toobad keeno.

“Shaqooyinka dowladda ka soo baxa hadii aan mudnaan gaar ah la siin dadka la hayb-sooco waa waxba kama jiraan aniga xagayga ,dadka dulmiga tirsanaya waa in ay dowladdayda ka muuqdaan “ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay dadweynihii madasha fadhiyay

“Diyaar waxaan u nahay inaan idiin helno waxbarasho lacag la’aan oo aad sidoo kale ka qayb noqotaan laamaha dowladda sida booliska iyo waliba militariga “ayuu mar kale yiri madaxweyne Cabdi wali oo hadalka ku dheeraaday.

Ugu danbayntii qaar kamid ah dadka dulmiga tirsanaya ayaa goobta ka sheegay in maamulka aysan cadaallad ka helin tan iyo intii la asaaasay, waxayna ku baaqeen arintan laga waantoobo ,iyaga oo u mahad-celiyay maamulka hadda jira.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]