4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Fly Dubai oo Shaacisay Duulimaadyo ay ku Tegi Doonto Magaalada Hargeysa


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Shirkadda Fly Dubai oo saldhiggeedu yahay Dubai dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay duulimaadyo cusub ku tegi doonto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kuwaasoo billaabanaya horraanta bisha Maarso ee sannadka soo socda 2015-ka.

Fly Dubai ayaa sidoo kale xustay inay isla sannadka soo socda duulimaadyo cusub ku tegi doonto magaalada Chennai ee dalka Hidniya iyo magaalada Nejran ee boqortooyada Saudi Arabia, iyadoo hadda duulimaad toos ah ku tagta 89 magaalo oo ku yaalla 46 waddan oo caalamka ah.

“Maarso 05, 2015, Fly-Dubai waxay duulimaadyadii ugu horreeyay ku tegaysaa Hargeysa, Somaliland, iyadoo toddobaad walba ku taysa afar jeer duulimaadyo. Tanina waxay qayb ka tahay is-ballaarinta ay shirkaddu ku ballaarinayso duulimaadyadeeda Qaaradda Afrika,” ayaa lagu yiri warbixin ay shirkaddu soo saartay.

Sarkaalka ganacsiga u qaabilsan shirkadda diyaaradaha Fly Dubai, Ghaith Al Ghaith ayaa sheegay in sannadka 2014-ka waxay ku dhawaaqday inay duulimaadyo cusub ku tagayso meelo badan oo calaamka ah, marka la gaaro sannadka soo socda, isagoo xusay inay soo iibsadeen diyaarado cusub oo uu tiradooda ku sheegay siddeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan markii ugu horreysay duulimaadyo cusub ku tegi doonno Hargeysa, Somaliland, kaasoo toddobaadkiiba afar jeer noqon doona, waxaana diyaaraddu ay si toos ah uga duulaysaa Dubai iyadoo ku degi doonta madaarka Hargeysa,” ayuu yiri, Ghaith Al-Ghaith.

Duulimaadyada cusub oo lagu dhawaaqday ayaa sare u qaadaya meelihii ay markii hore duulimaadyada ku tegi jirtay diyaaradaha shirkadda Fly-Dubai. Iyadoo shirkaddu ay haatan tahay midda isku xirta 56 goobood oo aan horay duulimaadyo loogu tegi jirin.

“Waxaan naga go’aan inaan adeegyada Fly-Dubai oo ah kuwo la isku halleyn karo aan gaarsiinno meelo aan horay looga howlgeli jirin sida Hargeysa iyo inaan rakaabka siino fursadaha ay UAE ku imaan lahayeen. Waan hubaa in tani ay farxad-gelinayso dad badan oo Soomaali ah,” ayuu yiri ku-xigeenka madaxa Fly-Dubai, Sudhir Sreedharan.

Fly-Dubai waxay leedahay 43-diyaaraadood oo ah nooca loo yaqaanno Next-Generation Boeing 737-800, waxayna sameeyaan toddobaad walba 1,200 oo duulimaad, kuwaasoo ay ku tagaan dalalka Bariga dhexe, Afrika, Yurub iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya