4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay Maalinta Xuquuqda Aadanaha Caalamka


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ka hadlay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ku beegan maanta oo ay bisha December ku beegan tahay 10, isagoo xusay inuu cambaareynayo maamullada diida xuquuqda qof kasta ama koox kasta.

Ban Ki-Moon ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad xuquuqda aadanaha looga hadlayay ayaa yiri. “Waxaynu ku dhawaaqaynaa in xuquuqul aadanaha ay tahay mid aynu wada-leennahay dhamaanteen, cid walba oo aynu nahay iyo meel kastoo aynu ka soo-jeedno; dabaqad kasta oo aanu leennahay.

Sidoo kale, xoghayaha guud ayaa sheegay inay ujeeddau tahay wax walba oo xadgudub ah oo bani’aadamnka lagula kaco, sida galmada khasabka ah, iyadoo ay muhiim tahay buu yiri in laga wada-shaqeeyo caddaaladda qofka, xasilloonida bulshada iyo horumarka adduunka.

“Qaramada Midoobay waxay ilaalinaysaa xuquuqul aadanaha, waayo taasi waa ujeeddada aan ku faanno… dadkuna waa inay xuquuqdooda helaan, dhaqaaluhuna waa in la kobcayaa si dalalka oo dhan ay nabad u helaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Ki-Moon.

Isagoo intaas ku daray in xad-gudubyada loo geysto aadanaha aysan ahayn oo keliya dhibaatooyin qofka loo geysto. Balse uu yahay gambaleel ka digaya qalalaanso intaa ka weyn.

“Tallaabada koowaad ee xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay waa loola jeedaa in lagu dhegeysto digniintaas. Waxaanu u ololeynaynaa annagoo ka jawaabayna xad-gudubyadaas – inta ayna isu rogin xasuuq wadareed ama dembiyo dagaal,” ayuu hadalkiisa ku daray Ban Ki-Moon.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in qof walba uu ka qaybgali karo halganka ka dhanka ah caddaalad darrada, isku-dulqaadasho la’aanta iyo xagjirnimada calaamka ka jirta.

Dowladaha ayuu ugu baaqay inay fuliyaan waajibaadyada ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxaanu ugu baaqayaa dadka inay la-xisaabtamaan dowladahooda iyo in si gaar ah loo ilaaliyo difaacayaasha xuquuqda insaanka oo si geesinimo ah ugu adeega ujeeddada dadka oo dhan ka dhexeysa.

Ugu dabmeyn, wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay aynu ka jawaabno oo aynu u gurmano oohinta iyo dhawaaqa ka imaanaya dadka lagu xadgudbo, oo aynu xoojino xaqa ay dadka oo dhan u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda lana dhowro sharaftooda iyo karaamadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya