4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Kenya oo beenisay warbixinta dilalka culumada ee uu Al-jazeera TV baahiyay


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa beenisay, sidoo kalena ka muujisay cabsho warbixin baaritaan ahayd oo habeen ka hor uu baahiyay Al-Jazeera TV, qeybtiisa Ingiriiska. Taasoo lagu soo bandhigay dilal dheeraad ah oo ciidamada ammanka Kenya lagu eedeyay inay u geysteen dad tiro badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo meelo kala duwan loogu geystay culummaa'uddiin.

Wasiirka Warfaafinta Kenya Fred Matiangi , ayaa beeniyay baaritaanka uu sameyay TV-ga Al Jazeera oo ku saabsanaa dilal lagu tilmaamay kuwa aanan sharciga waafaqsaneyn oo loo geystay shaqsiyaad markii hore dowlada Kenya ay ku eedeysay iney xiriir la lahaayeen ururada ay u taqaano “Muslimiinta Xag-jiriinta ah".

Wasiirka ayaa sheegay in eedeyntaas loo jeediyay dowladiisa ee ku saabsaneyd leynta Culumo'awdiin iyo dadka anaan waxba galabsanin ay ahaayeen kuwa been abuur ah. Wuxuuna intaas ku daray hadii lagu ogaado ciidamada Kenya iney ku lug lahaayeen dilalkaas in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Saraakiil uu wareystay Al-Jazeera TV ayuu sidoo kale ku sheegay Fred Matiangi, inay ahaayeen been oo ciidamadooda aynan ku jirin waxa lagu tilmaamay.

Dhanka kale Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya Monica Juma, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan loogu sameyo warbixinta sheegeyso in askar ka tirsan ciidamada Kenya ay qirteen iney laayeen hogaamiyaal muslimiin ah.

Waxayna ku sheegtay amar ka soo baxay xafiiskeeda in dacwad ay ku soo oogi doonaan wariyihii sameyay Baaritaankaas oo ay ku dhaliishay, in warbixintaas uu soo saaray xili adag oo dowlada Kenya ay dagaal kula jirto argagixisada.

Joseph Tiampati  Xog-hayaha guud ee guddiga Technology iyo Xiriirka Kenya, ayaa isagana tilmaamay in dowlada Kenya ay ka walaacsan tahay eedeynta loo jeediyay ee ah iney ka dambeysay dilalka aanan horay loo shaacinin cidii fulisay oo ka dhacay dalkeena.

DAAWO: Warbixinta uu Kenya ka baahiyay TV-ga Al-Jazeera

Booliska Kenya oo lagu eedeyay iney ka dambeyeen dilka Culumo'awdiin siyaabo kale duwan loogu dilay gudaha kenya, ayaa dhankooda iska fogeyay jiritaanka unug ka mid ah Ciidamada Adeega Qaranka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NPS “National Police Service” kuwaasoo qasadkoodu uu yahay iney dilaan hogaamiyaasha Muslimiinta ah ee looga shakiyo inuu xiriir kala dhaxeyo Ururo diimeedyada, isla markaasna ku sugan Gobalka Xeebta Kenya sida lagu sheegay documentary-ga Taleefishinka Al Jazeera uu baahiyay.

Afhayeenka Ciidamada AP-da "Administration Police" Kenya Masoud Mwinyi, ayaa Shir jaraa'id oo warbaahinta u qabtay ka sheegay in dhammaan askartooda loo tababaray in si sharciga waafaqsan ay u gutaan waajibaadkooda oo qofna aynan ku xad-gudbin. wuxuuna sheegay in hadii sarkaal ka tirsan ciidamadooda uu ku xad gudbo sharciga ay jiraan xubno loo sameeyay in ay la xisaabtamaan kiisaska noocaas oo kala ah oo ay ka mid yihiin Guddiga arrimaha gudaha iyo guddiga madaxa banaan ee illaalinta iyo Kormeerka ciidamada Bilayska Kenya, kuwaasoo awood u leh iney qadaan tilaabooyinka lagama maarmaanka ah.

"Ciidamada adeegga Qaranka Kenya ee (NPS-ta iyo AP-da) waxey ku howl-galaan hab dhismeedka Dastuurka Kenya iyo sharciga Qaranka ee adeegga Bilayska, waxaana loo igmaday in ay ka hortagaan dhibaatooyinka oo aynan sharciga ku xad-gudbin. Waxey sidoo kale ilaaliyaan ciidamadaas xuquuqda aadanaha iyo sharafta qof walba, ayuu shirkiisa jaraa’id ka sheegay Afhayeenka Ciidamada AP-da Kenya Masoud Mwinyi.

Sidoo kale ciidamada lagu eedeyay iney ka qeyb qataan dilalka wadaadadaas, ayaa waxaa ka mid ah Ciidamada Booliska ee ka hortago argagaxisada ee magacooda loo soo gaabiyo “ATPU” (Anti-Terror Police Unit).

Warbixin baarintaan aheyd oo dhawaan laga sii daayay Taleefishinka Al Jazeera, ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Britain iyo Israa'iil la ogeysiiyo howl-galada lagu dilay Wadaado, isla markaasna Hay’adda Sirdoonka Biritin ee MI5 iyo Mossad ka Israa’il, ay siiyaan tababar iyo taageero ciidamada Kenya ee ku lugta leh Barnaamijyadaas baabi'inta loogu magacdaray (elimination programmes).

Documentary-ga  Al Jazeera, ayaa lagu wareystay Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya kuwaasoo Taleefishinka uu sheegay iney ka qeyb qateen dilal qorsheysanaa, isla markaasna TV-ga ayaa qariyay magacooda iyo muuqaalkooda. Waxeyna cadeeyeen Saraakiishaas in hay’adda sirdoonka Kenya iyo Madaxda saraba ay wax ka ogaayeen dilalkaas.

Mid kamid ah askartii uu wareystay TV-ga, ayaa sheegay inuu dilay ilaa 50 Sheekh isla markaasna uu ku faraxsan yahay sida uu yiri inuu dalkiisa ka badbaadiyay dhibaatooyin ay wadeen Culumadaas.

Wuxuu intaas ku daray Sarkaalkaas in dadka la dilay ee aanan ilaa iyo hada la shaacinin dhimashadooda ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa 500 (Shan boqol) oo qof, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Culumo’awdiin iyo dad kale.

Dhanka kale, Guddiga sare ee UK u fadhiyo Nairobi, ayaa beeniyay iney ku lug lahayeen eedeyntaas balse waxey sheegeen iney dowlada Kenya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada gaar ahaan dhanka xuduudaha si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee la dagaalanka argagaxisada.

Gobalka xeebta ee dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa, ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waxaa siyaabo kale duwan loogu dilay, Wadaado caan ka ahaa dalkaan kenya oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabuud Rogo Maxamed iyo Sheekh Abu-Bakar Shariff oo lagu naaneysi jiray (Makaburi oo afka Swahiliga lagu dhaho Qabuuro) kuwaasoo dowlada kenya ay horay ugu eedeysay iney taageeri jireen Ururka Al Shabaab.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya