4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Soomaaliya oo ka mid noqotay Tobanka dal ee Adduunka ugu Ammaanka Xun


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Hay’ad arrimaha sirdoonka iyo amniga ka shaqeysa oo la yiraahdo CTI fadhigeeduna yahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Somalia uu ka mid yahay 10-ka dal ee adduunka ugu halista badan ama ugu khatarta badan dhanka ammaanka.

Warbixintan oo aad u dheer loogana hadlay xaaladda amni-xumo ee ka jirta caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in dalka Sooomaaliya uu safka hore kaga jiro wadamada amni-xumidu daashatay.

Soomaaliya waa dalka labaad ee dunnida ugu amniga xun waxaana ka horreeya oo kaliya Nigeria sida warbixinta lagu xusay, iyadoo hay’adu ay ku doodayso in Soomaaliya ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo ay gaystaan xubno Al-Shabaab ka tirsan iyo kooxo kale oo hubeysan.

Hay’adda warbixintan soo saartay ayaa dhinaca kale sheegtay in waddamada xilligan ugu ammaanka xun caalamka oo dhan ay ka mid yihiin Nigeria, Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Kenya, Masar iyo kuwo kale.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in arrintan ay ku ogaatay qiimeyn ay bilihii aynu kasoo gudubnay ku sameysay dalalkaas, iyadoo warbixinta lagu muujiyay in Soomaaliya ay ka ammaan-xun tahay dalalka Bakistaan, Afgaanistaan iyo Suuriya oo ku yaalla Qaaradda Aasiya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa tan iyo markii la riday dowladdii dhexe 1991-kii wuxuu ammaankeedu ahaa mid khatar ah, inkastoo gobollada dalka qaarkood sida kuwa bari iyo kuwa waqooyi ay xasilloonaayeen muddo fog.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya