4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo Tababar loosoo Xiray


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xirtay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada, gaar ahaan waaxda maaliyadda, kuwaasoo la barayay maareynta. waxana xiritaanka tababarka ku sugnaa sii hayaha xilka wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane iyo wasiir-u-dowlaha wasaaradda, C/laahi Maxamed Nuur.

Mubaasabadda ayaa waxaa ka hadlay wasiiru-dowlaha Maaliyadda, isagoo tababarkan ku tilmaamay mid aqoonta shaqaalaha lagu kobcinayo si ay u gutaan shaqooyinkii loo ig-maday.

Ku-simaha xilka wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo isaguna hadal ka jeediyay xafladdda xirtaanka ayaa kula dardaarmay shaqaalihii tababarka loosoo xiray inay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan kuna dabaqaan shaqada ay ummadda u hayaan, iyadoo ugu dambeyn shaqaado la guddoonsiiyay shaqaalihii tababarka loosoo xiray.

Sidoo kale, Xalane ayaa tilmaamay inay wasaaraddu wado qorshayaal kor loogu qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda Qaranka, loona maareeyo si wanaagasn.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in qorshayaashan ay xudun u noqon doonaan isku dheelli-tirka miisaaniyadda iyo in kor loo qaado mira-dhalka iyo wax-ku-oolnimada ah ee kharaashaadka dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya