4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Tiro Haween ah oo Siyaabo kala duwan loogu Gowracay Degmada Tiyeeglow

Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Degmada Tiyeeglow oo ka mid ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bakool ayaa waxaa ka dhacay fal aad u fool xun; oo ay siyaabo kala duwan u geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmadaas ku sugan iyo Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa guryahooda kala baaxday labo haween ah oo ka mid ah xaasaska ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmadaas ku sugan, iyagoo ku gowracay degmadaas dibadeeda.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Tiyeeglow ayaa Iyana aargoosi ahaan u dilay afar haween ah oo ahaa xaasaska xubno Al-shabaab ka tirsan, waxayna u gowraceen si la mid ah gowricii xaasaskoodii lagula kacay.

Ciidamada dowlada ee degmada Tiyeeglow ku sugan ayaa waxay sidoo kale qabteen tiro haween ah oo xaasaska Al-shabaab ka tirsan, iyagoo laga cabsi-qabo in iyagana la gowraco.

Waxii warar oo faahfaahsan dib ayaan usoo sheegaynaa, haddii ALLE idmo.

Hiiraan Online, Baydhabo