4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xildhibaannadii kasoo horjeeday Mooshinka

Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xalay madaxtooyada kulan kula qaatay xildhibaannadii kasoo horjeeday mooshinkii lagu riday ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya, C/wali Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa arrimo ay ka mid yihiin magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub looga hadlay, waxaa kaloo looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa kala fikir-duwanaashaha xubnaha baarlamaanka u dhexeeya, kaddib markii ay ku kala boodeen mooshinka.

Xildhibaannadii taageerayay ra’iisul wasaaraha ayaa ku taliyay in si aad ah looga fiirsado ra’iisul wasaaraha lasoo magacaabayo si aanu khilaaf kale u imaan, taasoo kulankii xalay sabab u ahayd.

Madaxweyne Xasan oo laga sugayo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/weli Sheekh ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray kulammo wada-tashi ah, iyadoo xildhibaannada ay qayb ka yihiin kuwa la doonayo in uu madaxweynuhu kala tashado soo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub.

Inkastoo madaxweynaha Somalia lagu wado inuu dhawaan safar ku aado dalka Masar ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in safarkaas ka hor lagu wado in madaxweynuhu uu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha xilka la wareegaya.

Waxaa jira xubno la isku garab-wado oo la sheego in xilka loo magacaabi doono, balse ma cadda cidda uu madaxweynuhu xilkan u magacaabi doono, iyadoo ra’iisul waasaraha soo socda uu noqonayo kii saddexaad oo uu Xasan Sheekh magacaabo labadii sano ee uu xilka hayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya