4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Mas’uul ka tirsanaa Jaamacadda SIMAD oo Magaalada Muqdisho lagu toogtay

Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan ku toogtay mas’uul ka tirsanaa jaamacadda SIMAD sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ahaa ku simaha guddoomiyaha jaamacadda Simad oo safar dibadeed ku maqan hadda, waxaana mas’uulkan lagu dilay isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Dableyda dilka geystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta keentay in mas’uulkan toogasho lagu dilo. Iyadoo dableydu ay ku dhex-dishay mas’uulkan gaari uu watay xilli uu kusii jeeday xarunta jaamacadda.

Qaar ka mid ah howlwadeennada jaamacadda Simad ayaa sheegay inaysan garanayn sababta keentay in la dilo Ibraahim Xaamud, kaasoo ay xuseen in uu sidoo kale ka mid ahaa macallimiinta wax ka dhiga jaamacadda, marka laga soo tago xilka uu ka yahay maamulka Jaamacadda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo aqoonyahan Somali ah ay dabley ku disho Muqdisho, waxaase sidoo kale ay horay ugu dileen macallimiin ajnabi ah oo wax ka dhigayay jaamacadaha Muqdisho ku yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, Jaamacadd SIMAD ayaa waxaa horay mas'uuliyiinteeda uga mid ahaan jiray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Jaamacaddu ay ka mid tahay Jaamacadaha ku yaalla xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya