4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Madaxweyne Xasan oo kormeeray dhismaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho


Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu wado, kaasoo ay fulinayso shirkadda FAVORI oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Kormeerka Xasan Sheekh uu ku sameeyay dhismaha garoonka ayaa waxaa ku wehlinayay mas’uuiyiin ka tirsan dowladda, isagoo amaanay dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaaso uu sheegay inuu dhawaan la dhameystiri doono.

“Waxaan boggaadinayaa horumarrada dalka ka socda, gaar ahaan dhismaha garoonka oo aan dhihi karo wuxuu tusaale u  yahay  horumarka ay dowladdu sameeysay,” ayuu yiri madaxweynaha oo warbaahinta la hadlayay kaddib markii uu warbixinno ka dhageystay injineerrada dhismahan wada.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay dhammaan qaybaha la horumarinayo ee garoonka oo ay ka mid yihiin terminals-ka, kuwaasoo ay ka muuqdeen dhamaan adeegyada looga baahan yahay garoon diyaaradeed.

“Garoonku wuxuu leeyahay adeeg dhameystiran, waxaana aniga si gaar ah ii soo jiitay sida loo horumariyay dhinacyada amniga garoonka,” ayuu Xasan Sheekh ku daray hadalkiisa. Isagoo sheegay in garoonku uu la mid yahay kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Injineerrada dhismaha wada oo u dhashay dalka Turkiga oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo laba bilood ah ay ku howlgeli doonaan Terminals-ka garoonka Muqdisho oo noqon doona mid wiji cusub u fura dhammaan horumarrada Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

Si kastaba ha ahaatee, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa horay u maamuli jirtay shirkad lagu magacaabo SKY Air & Logistic, taasoo ay Favori kala wareegtay, waxaana shirkaddan ay sheegtay inay horumar gaarsiinayso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya