4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 10, 2014
Milateriga DF oo Sheegay in ay Xubno Al-shabaab ah ay soo galeen Muqdisho

Arbaco, December 10, 2014 (HOL) — Taliska milateriga Somalia ayaa shaaciyay inay soo galeen Muqdisho xoogag ka tirsan Al-shabaab si ay falal amni-darro uga abuuraan, kaddib markii milaterigu ay hay’adaha kala duwan ee ammaanka ku wareejiyeen dhowr saldhig oo ay Muqdisho ku lahaayeen.

Jen. Maxamuud Maxamed Qaafow oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya millateriga ka howlgalaya gobollada Shabeellooyinka iyo Banaadir ayaa xusay in Al-shabaab ay jihooyin aanay milaterigu joogin Muqdisho kasoo galeen.

“Dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan ayaa soo galay Muqdisho, kuwasoo aan soo marin goobta ay ciidamadeennu kaga sugan yihiin caasimadda, laakiinse hadda waxaa socda howlgallo looga nadiifinayo oo Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka nabad-sugidda, booliska Somalia iyo kuwa AMISOM,” ayuu yiri Jen. Qaafow.

Sidoo kale, taliyaha qaybta 12-ka Abiirl ee milateriga Soomaaliya ayaa xusay in howlgalka Badweynta Hindiya uu dib u billaabanayo dhawaan, wuxuuna ku daray intaas in ciidamadu ay qarka u saaran yihiin deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Howl-galka Badweynta Hindiya dib ayuu u billaabanaya, ma joogsan, wax joogsanayana ma ahan… deegaanka Sablaale hadda wuxuu noo jiraa 27-km oo keliya, meelo badan ayay ciidamadu ku wajahan yihiin” ayuu Qaafow ku daray hadalkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ciidammo amni u dhigtay koontaroollada laga soo galo Muqdisho, si ay u xakameyso dadka soo galaya caasimadda, iyadoo horay ay wasaaradda amnigu u sheegtay inuusan Muqdisho soo geli karin ruux ka yar 40-sano oo aan damiin lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka sarkaalkan ka tirsan ciidamada milatreiga Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku weerareen Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay ku carareen degmada Dayniile.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya